Maxay xubnaha xisbigiisu ka haytaan Donald Trump?


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty Images4 Saacadood ka horWararka sheegaya in Dimuqraadiyiinta ay qabteen Aqalka Senate-ka Mareykanka ka dib doorashadii xilliga dhexe ee toddobaadkan ayaa keenay in is dhalleecayn baahnsani ka dhex bilaabato xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa.Dadka dhaleeceeya madaxweynihii hore ee Donald Trump ayaa ku eedeeyay bandhigga liita halka kuwa kale ee Jamhuuriga ay eedeynayaan hogaamiyahooda Senate-ka, Mitch McConnell.Aqalka Cad ayaa dhanka kale muujiyay tilmaantii ugu xoogganeyd ee uu ku muujinayo in madaxweyne Joe Biden uu mar kale u tartami doono doorashada.Loolanka Golaha Wakiilada ee Maraykanka ayaa weli ah mid aan dhinna la odhan karin waxa ay heleen aqlabiyadda.Jahuuriga ayaa wali loo door bidayaaa inay ku guulaystaan aqalka hoose ee Congress-ka taasoo si weyn u carqaladayn doonta qorshayaasha madaxweyne Joe Biden laakiin waxay u badan tahay in aqlabiyadooda ay sii yaraanayso iyadoo codadka weli la tiriniyo.Dhamaadkii isbuuca, shabakadaha Maraykanku waxay saadaaliyeen in Dimuqraadiyiintu ay ku qabteen laba kursi oo senate ah oo ku yaal Arizona iyo Nevada, iyaga oo sii haysanaya maamulka aqalka sare.”Tani waa doorashadii saddexaad oo xiriir ah oo uu Trump natiijadeeda nagu khasaariyo,” ayuu guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga ee Maryland Larry Hogan, oo muddo dheer naqdiyi jiray madaxweynihii hore, u sheegay CNN Axaddii.”Hadda wixii ka danbeeyana waan ka daalay guuldarrada.”Laakiin tijaabada dhabta ah, ayuu yidhi weriyaha BBC-da ee Waqooyiga Ameerika Anthony Zurcher, waxay noqon doontaa in xulafada Trump ay u soo jeestaan maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, si ay u hubiyaan awoodda xisbigooda.Taariikhdu waxay soo jeedinaysaa in xisbiga maamula Aqalka Cad uu inta badan lumiyo kuraasta qaar doorashada dhacda xilliga dhexe, balse waxqabadka Dimuqraadiyiinta ee sanadkan ayaa loo arkaa midkii ugu fiicnaa xisbi xilka haya ugu yaraan 20 sano.”Xeeldheerayaasha falanqeeya siyaasadda ee Washington waxay yidhahdeen ma guuleysan karno sababtoo ah taariikhda, taariikhda, taariikhda,” afhayeenka aqalka Nancy Pelosi ayaa u sheegtay barnaamijka toddobaadkan ee ABC.Laakiin Dimuqraadiyiinta “weligood ma aqbalin hadal uu iska yiri qof siyaasadda falanqeeyaa” waxayna diiradda saareen “farqiga u dhexeeya iyaga iyo kuwa ka soo horjeeda”, ayay tidhi haweenaydan xilalka sare ee dimuqraaddiga fadhida ee reer California.Mrs Pelosi waxay ka mid ahayd tiro yar oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga kuwaas oo Axddii ku taageeray madaxweyne Biden in mar kale loo doorto 2024.La-taliyaha sare ee Aqalka Cad Anita Dunn ayaa u sheegtay CBS News in madaxweynaha aysan saameyn ku yeelan “waxa dhinaca kale uu sameynayo ama waxa laga yaabo in musharrax kale uu sameynayo”, uuna dhawaan ku dhawaaqi doono go’aankiisa.


Like it? Share with your friends!