0

Xiddiga kooxda Barcelona ee Memphis Depay ayay ku qaadatay kaliya 8 kulan in uu bar-bareeyo goolashii Eden Hazard ee horyaalka La Liga.

Depay ayaa xagaagii qaab xor ah ugu soo biiray Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskisiii kooxda Lyon.

Xiddiga reer Holland ayaana qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay isaga oo 4 gool ku dhaliyay 8 kulan oo horyaalka La Liga ah.

Depay ayaa sidaas darteed qabtay shaqo Eden Hazard ku qaadatay 2 sano iyo 37 kulan tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Real Madrid iyo La Liga.

Hazard ayaan dhanka kale wax gool ah dhalin xilli ciyaareedkan iyada oo uu Hazard ku dhibaatoonayo in uu la qabsado horyaalka La Liga.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *