0

Memphis Depay ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Barcelona xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 2 gool sidoo kale waxa uu sameeyay hal caawin 3-dii kulan ee ugu horeeya La Liga.

Xiddiga reer Holland ayaa goolal ka dhaliyay kooxaha Athletic Club iyo Getafe isaga oo sidoo kale caawiye ka noqday gool kulankii Real Sociedad.

Hadii uu Depay dhaliyo 2 gool kulanka Granada Isniinta, waxa uu bar-barayn doonaa rikoodh ay dhigeen xiddigaha Zlatan Ibrahimovic & Cesc Fabregas.

Labadaas xiddig ayaa dhaliyay 4 gool 4-tii kulan ee ugu horeeyay ee ay u ciyaareen horyaalka La Liga iyada oo Zlatan ka dhaliyay goolal kooxaha Sporting Gijon, Getafe, Atletico Madrid & Racing Santander xilli ciyaareedkii 2009/10 halka uu Fabregas dhaliyay goolal Villarreal, Real Sociedad, Osasuna and Valencia xilli ciyaareedkii 2011/12.

Sii Akhriso: Ma Kugu Dhacday In Gabadha Aad Jeceshahay Telefoonka Kaa Qaban Wayo Kadib Kugu Soo Celin Waydo, Ma Dhacday In Ay Ka Jawaabi Waydo Fariimahaaga, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *