Meydka askeriga Mareykanka ee 72 sano kadib la aqoonsaday


Spread the love

Xigashada Sawirka, DPAA HANDOUT7 Saacadood ka horMeydka askari Mareykan ah ayaa la aqoonsaday 72 sano kadib markii la dilay laguna dhawaaqay in la la’yahay intii uu socday dagaalkii Kuuriya, dowladda Mareykanka ayaa sidaas sheegtay.Cpl Tommie T Hanks, oo markaas 27 jir ahaa, ayaa la dilay ka dib markii cutubkiisa ay isku dayeen inay ka baxaan meel u dhow Anju ee Waqooyiga Kuuriya sannadkii 1950-kii.Meydkiisa ayaa markaasi la sheegay in “aan la heli karin” lix sannadood ka dib.Ku dhawaad ​​7,600 oo ka mid ah dadkii lagu dilay dagaalka ayaan weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen, sida ay sheegtay waaxda difaaca ee Mareykanka.Waaxda difaaca ayaa sheegtay in Cpl Hanks lagu soo warramey in lagu waayey hawl-gal dhacay 26-kii Nofembar iyada oo cutubkii uu ka tirsanaa uu isku dayayay in ay ka baxaan bariga Webiga Ch’ongch’on ee u dhow Anju.”Haraaga maydkiisa lama garan karin, mana jirto wax caddaynaya in uu waligiis ahaa maxbuus dagaal,” ayay waaxda difaaca ku tiri hadal ay soo saartay.Aqoonsiga Hanks ayaa suurtagal noqotay ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay soo wareejisay 55 sanduuq oo ay ku jiraan haraaga xubnihii askartii Mareykanka ee lagu dilay dagaalkii Kuuriya.Wareejinta haraaga meydadka askarta Mareykanka ayaa waxay timid ka dib shir madaxeedkii u dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kaas oo dhacay bishii Juun 2018-kii.Si loo aqoonsado haraagii Hanks, saynisyahannadu waxay adeegsadeen falanqaynta anthropological iyo isotope.Xigashada Sawirka, Getty ImagesWaxaa lagu aasi doonaa qabuuraha Qaranka ee Arlington inkastoo weli taariikhda aan weli la go’aamin.Laga soo bilaabo sannadkii 1982-dii, haraaga in ka badan 450 askri oo Maraykan ah oo lagu dilay Dagaalkii Kuuriya ayaa la aqoonsaday oo dib loogu celiyay qoysaskooda si ay u aasaan iyaga oo leh sharaf milatari oo buuxda.Tiradani waxa dheer ku dhawaad ​​2,000 oo askarta Maraykanka ah oo haraagooda la aqoonsaday sannadihii ka dambeeyey dhammaadkii colaadaha, ka dib markii dawladda Kuuriyada Waqooyi ay dib ugu celisay Maraykanka in ka badan 3,000 oo hadhaa ah.Waaxda difaaca waxay sheegtay in haraaga boqollaal ka mid ah askarta ee aan weli la ogeyn heybtooda.Dagaalkii Kuuriya waxaa loo arkaa iskahorimaadkii ugu dhimashada badnaa ee waagii uu socday dagaalkii qaboobaa, sida ay sheegtay waxaada difaaca, iyadoo Mareykanka uu soo gaaray ku dhawaad ​​36,500 oo dhaawac ah.


Like it? Share with your friends!