0

Michael Owen ayaa rumaysan in uu tartanka horyaalka premier League noqon doono mid aan la rumaysan karin xilli ciyaareedkan isaga oo sheegay in guuldarooyinkii chelsea iyo Man United muujinayaan in koox walba la garaaci karo waliba ayna jirin koox la baxsan doonta horyaalka.

Chelsea ayaa dhabarka loo saaray guuldaradii ugu horaysay ee premier League kadib markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Man City sabtidii kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Dhanka kale Man United ayaa dhabarka loo saaray guuldaradii ugu horaysay kadib markii ay Aston Viila ku garaacday Old Trafford kulan uu Bruno Fernandes rikoodhe ka khasaariyay kooxdiisa.

“Guusha Manchester City waxay u sameyneysaa waxyaalo yaab leh laakiin uma maleynayo inay waligood rumeysan doonaan inaysan badin karin kulan maxaa yeelay waa koox tayo leh,” ayuu Owen u sheegay wax soo saarka Premier League.

“Guuldarada chelsea waxa ay war fiican u tahay kooxaha kale sababta oo ah cid walba waxa ay aaminsanayd in aan chelsea la qaban karin waliba aan laga badin karin”.

“Kadib guuldarooyinka United iyo chelsea waxa cadaatay in koox kasta laga badin karo waliba horyaalku xilli ciyaareedkan yahay mid ayna hal koox la baxsan doonin dhibco badana ku qaadi doonin”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *