“Midowga Yurub wuxuu markale taageerayaa Ukraine, iyo cunaqabataynta la saaray ninka gardarada wada, oo ah Putin-ka Ruushka, markii ugu horaysay taariikhda Midowga Yurub, wuxuu saanad ciidan ku taageerayaa waddan lasoo weeraray” ayay tidhi Von der leyen.
Von der leyen ayaa sheegtay in sidookale, ay cuna qabataynayaan dowlada Belarus, oo si badheedha Ruushka dagaalka ugu garabtaagan.
“Waxa kale oo aanu beegsanaynaa gardaroolaha kale oo ah macangaga Lukashenko, macangaga Lukashenko wuxuu ka badheedhay dagaalka naxariis darada ah ee Ukraine dhanka ka ah, sidaa darteed waxaanu saari doona cunqabatayn cusub” ayay tidhi Von der leyen.
Cuna qabataynta cusub ee Midowga Yurub, ayaa waxaa kamid ah in dhamaan dowladaha midowgu isku raaceen in dhamaan shirkadaha diyaaradaha Ruushka ay hawadooda ka mamnuucaan iyo in muuqbaahiyahaasha ay dowlada Ruushku leedahay Yurub laga xayiro.