Militeri xilka ka tuuray hoggaamiyaha Burkina Faso


Spread the love
Ibrahim Traore wuxuu sheegay in hoggaamiyaha uu ku guuldareystay waxkaqabshada amniga

Xigashada Sawirka, RADIO TÉLÉVISION DU BURKINA

Qoraalka sawirka,

Ibrahim Traore wuxuu sheegay in hoggaamiyaha uu ku guuldareystay waxkaqabshada amniga

Sarkaal ka tirsan militeriga Burkina Faso ayaa teleefishinka dowladda kaga dhawaaqay in xilka laga tuuray hoggaamiyihii militeriga dalkaas Lt Col Paul-Henri Damiba.

sarkaalkan oo lagu magacaabo Ibrahim Traore ayaa sheegay in hoggaamiyaha militeriga uu ku guuldareystay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka howlgala dalkaasi sidaas darteedna ay xilka ka tuureen.

Wuxuu shaaciyay in la xiray xuduudda iyo in la hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada xisbiyada siyaasadda.

Janaraal Lt Col Damiba ayaa bishii January afgembiyay dowladdii rayidka aheyd ee lasoo doortay isagoo xilliggaas ku anddacoonayay in lagu guuldareystay ka hortagga kooxaha islaamiyiinta ah.

Balse hoggaamiyahan militeriga ah ee haatan la afgembiyay ayaa awoodi waayay inuu wax ka qabto colaadda.Isniintii, waxaa weerar lagu dilay 11 askari oo saarnaa kolonyo baabuur ah oo marayay waqooyiga Burkina Faso.

Jimicihiina , Lt Col Damiba wuxuu shacabka ugu baaqay inay is-dejiyaan kadib markii rasaas laga maqlay qeybo kamid ah caasimadda Burkina Faso.

In ka badan 20 kamid ah militeriga-oo wajigooda soo dabbooshay ayaa saacado uun kadib kasoo muuqday teleefishinka qaranka.

“Iyadoo xaaladda ay faraha kasii baxeyso, waxaan dhowr jeer isku daynay in hoggaamiye Damiba uu diiradda saaro xaalad amni” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militeriga oo uu ku saxeexnaa taliyaha afgembiga shaaciyay.

“Ficillada Damiba waxay si tartiib ah nooga dhaadhiciyeen in aan ku qanci weynay oo aan aragnay inuu ka weecday hadafkii la isla meel dhigay, maanta waxaan go’aansannay in aan xilka ka tuurno Damiba”.
Waxaana dalka Burkina Faso lagu soo rogay banddow soconayo 21:00 fiidnimo ilaa 5-ta subaxnimo.

Lama ogo halka uu ku sugan yahay hoggaamiyihii la afgembiyay ee Burkina Faso.
Mareykanka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay waxa ka dhacay Burkina Faso, waxaa uu ugu baaqay muwaadiniintiisa ku sugan dalkaas inay yareeyaan dhaq-dhaqaaqooda.

“Waxaan ku baaqeynaa inay dulqaad muujiyaan ,xasiloonidana dib loogu soo celiyo dalka” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ururka goboleedka galbeed Afrika ee ECOWAS ayaa dhaleeceeyay tallaabadan, waxayna sheegeen inay kasoo horjeedaan tallaabo kasta oo si sharci darro ah awoodda loogu la wareegay.

Xaley waxaa magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou laga maqlay rasaas iyo qaraxyo kuwaas oo qaarkood laga maqlayay agagaarka madaxtooyada
Saaka, waa cidlo magaaladii mashquulk badneyd,iyadoo waddooyinka lagu arkayay askarta oo xiray waddooyinka qaar, waxayna ilaalinayeen goobaha muhiimka ah ee istiraatiijiga ah.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Lt Col Damiba wuxuu shacabka ugu baaqay inay is-dejiyaan

Teleefishinka ayaa joojiyay barnaamijyadii uu baahin jiray, waxaana la maqlayay rasaas.

Lt Col Damiba wuxuu sheegay in xaalad jahwareer ah ay ka taagan tahay dalka kadib dareenka ay abuureen ciidamada qaar xilli uu baahay wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan afgembiga dhacay.

Wuxuu shacabka ku booriyay inay is-dejiyaan ayna iska ilaaliyaan baraha bulshada, hogaamiyaha militariga ayaa sheegay inay socdaan “wadahadallo xasiloonida dib loogu soo celinayo”.

Bishii January ayay aheyd markii Lt Col Damiba uu xilka ka tuuray madaxweynihii Burkina Faso Roch Kaboré, wuxuu sheegay in uu wax ka qaban waayay rabshadaha ay geysnayaan kooxaa islaamiyiinta ee sii kordhayay.

Madaxa ciidamada militeriga maalintii xilka loo dhaarinayay wuxuu sheegay in wax kasta haku qaadateen uu ku guuleysan doona dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka.

Toddobaadkan waxaa deegaanno badan oo ka tirsan Burkina Faso ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday amni darrada.

Gelinkii dambe ee Jimcihii, qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda iyagoo codsanayay in xilka laga qaado Lt Col Damiba.

Weerarada kooxaha Islaamiyiinta ayaa ka bilowday dalka Burkina Faso sanadkii 2015-kii, waxaana rabshadaas ku dhintay kumannaan qof halka dad lagu qiyaasay laba milyan oo qof ay guryahooda ka qaxeen.

Burkina Faso waxaa soo maray ilaa sideed afgembi tan iyo markii uu xornimada ka qaatay sanadkii 1960-kii.


Like it? Share with your friends!