0

Ciidamo ka tirsan Millatariga dalka Guinea ayaa sheegay iney Afgembi xilkii kaga tuureen Madaxweynihii dalkaasi Mr. Alpha Conde, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamadu gacanta ku dhigeen Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in wali ay ka socdaan xabado xoogan oo la is weydaarsanayo agagaarka qasriga madaxtooyada ee caasimadda Conakry.
Ma jirto faahfaahino kasoo baxaya xabadahan xoogan, ee ka dhacaya agagaarka Kaloum, oo ah goob ay ku yaallaan wasaarado kala duwan, xafiisyo, iyo sidoo kale qasriga madaxtooyada.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in askartu ay gaaf wareegayaan jidadka, iyagoo xirey buundada ama bridge-ka kaliya ee ku xirayey Kaloum qeybaha kale ee magaalada.

Sanadkii hore, dad tirto badan ayaa lagu diley mar ay dhigayeen bannaan bax ay ugga soo horjeedaan Madaxweynaha Guinea, Alpha Conte, ka gadaal markii uu ku sameeyey is badal dastuurka, kaasoo dhaliyey buuq weyn, iyadoo uggu danbeyntiina uu ku guuleystay xili saddexaad xafiiska madaxtooyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalkaasi xiriirka u jarray 2019, markaasoo ay cilaaqaad diblomaasiyadeed la yeesheen Somaliland, iyadoo madaxweyne Biixi uu booqasho ku tegey.

Office Nairobi Kenya


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *