0

Markii uu Cristiano Ronaldo ku go’aansaday in uu isaga tago kooxda Juventus, marna meesha ma soo dhigan in ku laabashada Man United ay dhici karto.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay Old Trafford maalintii ugu dmbaysay suuqii xagaaga isaga oo ugu biiray lacag dhan 15 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee marna meesha ma soo dhigan in ay dhibaatada Man United haysato sidaas u dheertay waliba ay kooxdu ku jirto xaalad adag.

Man United ayaa guuldaro weyn kala kulantay kooxda Liverpool Axadii xilli uu Cristiano Ronaldo ku dhibaatoonayo in uu kooxdiisa Man United dhibaatada ka saaro.

Wargayska MARCA ayaa Akhristayaashiisa waydiiyay su’aal ah  miyuu Cristiano Ronaldo Ku khaldmay in uu ku laabto kooxda Ma United suuqii xagaaga.

Codaynta ayay ka qayb qaateen Akhristayaal dhan 4432 kuwaas oo codkooda ka dhiibtay sida ay u arkaan ku laabasahda Cristiano Ronaldo ee Man United.

Akhristayaal dhan 66% ayaa u codeeyay Haa, kuwaas oo aaminsan in uu Cristiano ku khaldamay ku laabashada Man United halka ay Maya ku jawaabeen kaliya 34%.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *