0

Weeraryahanka PSG ee Karim Benzema ayaa ilo wareedyo ku dhaw sheegayaan in uu damacsan yahay in uu Real ku qasbo in uu baxo.

Warka waxa uu xusayaa in Bemzema ay kaga dhagan tahay in uu u ciyaaro PSG , waxaana sababta lagu sheegay damaca Real ay ku doonayan Haaland taasi oo keeni karta in ahmiyadiisa Los Blancos ay hoos u dhacdo.

Hishiiska Benzmea ee Real ayaa dhacaya xagaaga 2023-ka waxa uuna laacibka galayaa da`da 35-ka marka hishiiskiisa uu dhamaado .

Benzema xilli ciyaareedkaan waxa uu Real u dhaliyay 14 gool halka 15 kalana uu caawiyay dhamaan tartamada , waxaana la xusayaa in uu ka careysan yahay haatan xiisaha Real ee Haaland

Wargeyska El Nacional ayaa sheegaya in laacibkaan hore Lyon uu aamisna yahay in Haaland haddii uu yimaado in qiimihiisa kooxda uu kala wareegayo waxa uuna haminayaa PSG .

Wararka qaar waxa ay leeyihiin Benzema xittaa in uusan sugeyn in hishiskiisa uu dhameeysto halka Paris qudhooda doonayaan in haatan ay ka sii faa`ideystaan farsamada laacibka

Muddo 12 sano ayuu Benzema la joogaa Real waxaana horay loo tilmaamayay in Lyon uu ku laaban doono


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *