Muqdisho & Dhuusamareeb oo maanta ay ka dhaceyso Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka


Spread the love

Waxaa maanta magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka Doorashada kuraas kamid ah Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabanayaa Doorashada shan kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, kuwaasi oo kamid ah kuraasta Beelaha Banaadiriga.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa ayaa soo gaba gabeeyay diiwaan gelinta Masharixiinta u tartameysa kuraasta kala ah  Hop#265, Hop#266, HOP-105, Hop#084, Hop#034.

Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa xiran, kuwaasi oo loo diiday in ay isticmaalaan dadka rayidka ah.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhaceysa doorashada Afarta kursi ee ugu dambeeya kuraasta taalla Magaalada Dguusamareeb, kuwaas oo kala ah HOP#012, HOP#048, Hop#137, HOP#071.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments