0

Shirkada soo saarta ciyaar gacmeedka (Games) ee EA Sports ayaa shaacisay in ay xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo Ka soo dhex muuqan doonaan xiddigaha ugu qiimaynta sareeya ee FIFA 22 iyada oo taageerayaasha FIFA sugayaan in ay helaan qaybta cuusb ee ciyaar gacmeedka.

Soo Saarista qiimaynta xiddigaha FIFA 22 ayaa dib u soo celisay dooddii duugga ahayd ee ku hareereysanayd labada xiddig oo ka mid ah xiddigaha Abid ugu fiican kubada cagta taasoo keentay in taageerayaasha baraha bulshada ay ku murmaan midka ka fiican Messi iyo Ronaldo.

Ka dib markii Messi uu ka soo dhaqaaqay Barcelona kuna biiray Paris Saint Germain, isla markaana Ronaldo uu ku soo laabtay Manchester United ka dib markii uu ka tegay Juventus, taageerayaasha FIFA ayaa sugi la’ in ay Messi ka garab ciyaarsiiyaan Neymar iyo Mbappe halka ay qaar kale sugi laayihiin in ay Ronaldo ka garab ciyaarsiiyaan Mohamed Salah iyo Kevin De Bruyne premier League.

Gary Neville iyo Jamie Carragher ayaa sidoo kale galay dooddii Messi iyo Ronaldo ee Isniintii Kubadda Cagta, iyadoo Neville uu qabo in Ronaldo uu yahay kan ugu fiican, halka Carragher qabo inuu yahay Messi.

Hadaba ayaa fiican ama sareeya qiimaynta ciyaar gacmeedka FIFA 22.

Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu qiimaynta sareeya FIFA 22 Isaga oo lagu qiimeeyo 93 halka uu 2 ka sareeyo xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo hal hoos uga dhacay qiimayntisii hore ee ahayd 92 haatana lagu qiimeeyo 91.

Sii Akhriso: Fariimo jacay: Waxa Ugu Fiican Ee Aad Aad U Sheegi Kartid Qofka Aad Jeceshahay.

Lionel Messi and Cristiano Ronaldo's FIFA 22 player ratings

 


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *