0

Lionel Messi ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda PSG suuqii xagaaga laakiin waxa shaaca la qaaday mushaharka uu xiddiga reer Argentine kooxda ka qaato.

Wargayska L’Equipe ee ka soo baxa France ayaa sheegay in Messi uu mushahar u qaadan doono 30 milyan oo euro labadii xilli ciyaareed ee soo socda isaga oo 10 milyan oo dheeri ah qaadan doona hadii uu hal sano oo kale sii joogo.

Xiddiga Lionel Messi ayaa isaga tagay kooxda Barcelona isaga oo xor ugu biiray kooxda reer France kadib markii uu dhacay heshiis uu kooxda kula joogay.

Messi ayaa sidaas darteed ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda PSG halka uu sidoo kale yahay xiddigaha ugu mushaharka badan taariikhda kubada cagta.

Sii Akhriso: Qaabkee Ayaad Gabadha U Waydiisan Kartaa Numberkeeda Marka Aad Aragtida Ugu Horaysa Kaga Heshay


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *