Musharax sheegay in loo diiday in uu ku tartamo kursi yaala Baydhabo.


Spread the love

Muqdisho-KNN-Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre, Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa sheegay in loo diiday u tartamida kursigii uu ku fadhiyay ee HOP#18, isagoo xusay in Koofur galbeed aysan ahayn meel qof wadani ah uu kursi ka doonto.

Qoraal dheer uu soo saaray ayuu sidoo kale, ugu mahadceliyay cid kasta oo isaga u muujisay garab istaag taageernimo.

“Waxaan u mahadceliyo dhamaan Bulsha waynta Soomaaliyeed, Saaxiibadeyda, taageerayasheyda oo habeen iyo maalin igu garabtaagnaa  taagyeero dhan walba ah,  waxaan sidoo kale mahadcelinayaa  beesha aan ku matalayay kursigaan baarlamanka 10’aad Gollaha Shacabka oo ah Shacab aad iyo aad u qiimo badan  waxaan idin rajeynayaa hormar,  barwaqo iyo isku duubni. ayuu qoraalkiisa ku yiri Amar dambe.

Sidoo kale, wuxuu yiri “Maamulka Koonfur Galbeed ma’ahan meel ay qof Wadaniyad, Karti iyo Xushmad leh Xil u soo doonto,  doorasha kama dhicin ee waa xulasho “shaqsi naceyb” ku taqrifal a woodeed.

Issgoo hadalkiisa intaa ku daray “Waxaa ka  codsanayaa in aan iscafino,  Bulshada aan ku matalayay Kursiga, Shacabka Soomaaliyeed  iyo dhaman  dadkii aan soo wadashaqeynay  mudadii aan  xilka hayay  ee  5’ta  sano.”

Sidoo kale, Xildhibaan hore Cali Xasan Amar dambe ayaa ku tilmaamay DG Koofur galbeed in kuwa xukuma uu ka qaldan yahay fahamka  demogaradiyadda, isagoo ku baaqay in aysan burburin dowladnimada la haysto oo si jilicsan lagu soo dhisay  dib-u- heshiisintii Carta.

“Dalka hadii ay tahay  Federalka ama Maamul Goboleedka, in muwadin ku fadhiya kursi ku matalayay Dadkiisa iyo  Dalkiisa layirahdo ma tartameyso xaq na uma lihid waxay tahay in ay ku tumanayaa heshiiskii bulsho (Dastuurka KMG),  Waxaan ka baqayaa in ay naga bur-buriyaan dowladnimada aan haysano oo jilicsan lagu soo dhisay  dib-u- heshiisintii Carta. ayuu yiri Cali Xasan Maxamed Amar dambe.

Hadalka Amar dambe ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan musharixiin isaga la mid ahaa oo waayay kuraastii ay ku lahaayeen Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soonaaliya


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments