Muuse Biixi Waa Putin Oo Aan Nuclear Haysan.


Spread the love
Putin maalintii uu ku dhawaaqey inuu raafayo oo dagaalka Ukrain u dirayo qof kasta oo Ruushka u dhashay ee

 da’diisu
gaadhay
  18 sanadood, ayaa dadkii Ruushku
bilaabeen inay dalkooda ka qaxaan iyagoo buuxa dhaafiyey xuduudaha dalalka
  Poland iyo Finland.  Putin markuu ogaaday inaan dalka qof ku
hadheyn ayuu wareegto soo saaray,
  Wareegtadaas oo leh  ”Laga bilaabo
maanta waxaan xidhay in wax gaadiid ah u gudbaan xuduudaha dhinaca berriga ee
dalalka aan saaxiibka Ruushka la ahayn . ” Eeg
 waa Isbaaro dadka yaacaya lagu celinayo.

Markii Muuse iyo
Saleebaan  midna 2 sanadood ku
dhufsaday,  midna 5 sanadood,  ayaa durba waxa bilowday dareen iyo cabsi iyo
in laga xidh xidho magaalooyinka waaweyn oo dadkii bilaabaan inay qax  u diyaar garoobaan.

Muuse wareegto ayuu
saaray markiiba, wuxuuna yidhi  ”Waa  Inaanu kantroolada dhaafi karin gaadiid
aan  oggolaanshaha rarka iyo rakaabka
dadweynaha ka haysan  wasaarada gaadiidka
iyo horumarinta jidadka Somaliland laga bilaabo 6.10.2022. Eeg waa Isbaaro
kale.

Amarkaas waa la
filaayey,  sababtoo ah waa iska caddahay
in dadku bilaabi doonaan ka qax magaalooyinka waaweyn siiba Hargeysa oo la
filayo in Putin (Muuse) Isbaaro dadka u dhigan doono.  Hore waxaan u ogeyn inuu gawaadhida yar yar
bacda madow uga jarey,  si uu uga dhex
baadho mustaqbalka Musharax  Cirro , Gud.
Xirsi iyo Gudoomiye Faysal markuu xaalku ku xumaado, arrintaas oy  u xil saaranyiin Col. Kaahin iyo Col.
Dabagale.

Xikmad ayaa ahayd ”
Ninkii Buunka xadey xagee ku yeedhin ” ”Korodhsataye xagee ku xukumi doontaa ”.
Xaqiidu waxa weeye Muusow, Somaliland waad dumin kartaa, laakiin ma xukumi
kartid 13. November kadib.

 

Tallaabooyinka u furan
Xisbiyada mucaaridka gaar ahaan iyo guud ahaan reer Somaliland 13 ka November
kadib, dib  ayaan ka soo  qori doonaa inshallah.

[email protected]


Like it? Share with your friends!