Muxuu Mo Farah ka yiri mowqifka ay dowladda ka istaagtay sharcigiisa UK?


Spread the love
Mo Farah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mo Farah ayaa sheegay in uu “nafisay” markii uu xafiiska Waaxda Arrimaha Gudaha ee UK sheegay in uusan wax tallaabo ah ka qaadi dooninciyaaryahankan, kaddib markii uu shaaca ka qaaday in uu UK kusoo galay si sharci darro ah.

Xiddigga ciyaaraha Olympic-ga ayaa Isniintii markii ugu horraysay soo bandhigay in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, balse uu dhalashada Britain ku qaatay magaca Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax waxa uu ahaa magac ay siiyeen dadkii waddanka UK sida sharci darrada ah kusoo geliyay.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa BBC-da u sheegay in aysan baaritaan ku samayn doonin ciyaaryahanka oo loo yaqaanno Sir Mo.

“Waan ku nafisay taas,” ayuu ku yiri wareysi uu Mo Faarax maanta siiyay barnaamijka BBC Radio 4.

“Kani waa waddankayga. haddii uusan ahaan lahayn [macallinkeyga maaddada ciyaaraha] Alan iyo dadka i taageeray carruurnimadeydii oo dhan, waxaa laga yaabi lahaa in aanan heli lahayn dhiirranaanta aan sidan ku sameeyay.”

Xigashada Sawirka, Getty Images

“Waxaa jira dad badan oo noloshayda abaal ku leh – gaar ahaan xaaskayga, oo aad ii taageereysay guud ahaan waqtigii aan xirfadda kusoo jiray, waxayna i siisay awoodda aan uga hadlay arrintan, iyadoo ii sheegtay inay tahay wax caadi ah.”

Sharci ahaan, dowladda waxa ay dhalashada Britain kala noqon kartaa qofka haddii uu ku helay qaab khiyaano ah.

Balse Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa BBC-da u sheegay in uusan tallaabo ka qaadi doonin dhalashada Sir Mo, maadaama ay aaminsan tahay in carruurtu aysan wax shaqo ah ku lahayn haddii dhalashadooda ay ku imaato qaab khaldan.

Mo Faarax, oo 4 jeer ku guulaystay horyaalka Olympic-da adduunka, ayaa mar uu ka hadlayay carruurta kale ee sida sharci darrada ah lagu safriyo, waxa uu wariyaha barnaamijka, Amol Rajan, ku yiri “Ma jiro cunug raba in uu xaaladdaas galo. Dookheyga waa la ii sameeyay, aadna waan u yaraa.

“Kaliya waxaan ka mahad celinayaa fursad walba oo aan ku helay Britain, waana ku faanaa inaan matalo waddankeyga.”

Xigashada Sawirka, Getty Images

“Markii aan yaraa ma aanan lahayn amarka ku saabsan meesha aan aadayo. Go’aankaas waa la ii gaaray, waana la iga qaatay.

Mo Faarax ayaa sheekada ku saabsan in qaab tahriibin ah lagu geeyay UK waxa uu kusoo bandhigay barnaamij dokumintari ah oo ay ka diyaariyeen BBC iyo Red Bull.

Barnaamijkaas ayaa la filayaa in uu hawada ka baxo maalinta Arbacada ah, balse BBC-da ayaa sii aragtay.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments