Muxuu yahay cudurka cusub ee dunida welwelka ku abuuray ka dib Covid-19?


Spread the love
Qof bukaan ah oo ay kalkaaliyeyaal wadaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iyadoo weli dunidu uu ku yaalla nabarkii xanuunka Covid_19 kaas oo galaaftay nolosha 6.4 malyan oo qof, iyo  Furuqa-Daanyeerka oo Afrika ku dilay ku dhawaad ​​100 qof sanadkan, ayaa haddana waxaa soo ifbaxay hargabka yaanyada ama Tomato flu.

Waxaa la sheegay in kiisas cusub oo cudurkan ah ay ka jiraan Hindiya islamarkaana tirada dadka uu ku dhacay ay sare u sii kacday iyadoo laga cabsi qabo in uu ku faafo dunida inteeda kale.

Haddaba Muxuu yahay xanunkan? Maxay se yihiin astaamihiisa iyo saamaynta uu ku yeelanayo dadka?

Qandhada fayraska Tomato ayaa markii ugu horreysay lagu arkay Hindiya taariikhda markii ay ahayd 6-dii bishii May sannadkan 2022-ka, markaas oo ay wasaaradda Caafimaadka ee Hindiya xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay in laga helay degmada Kollam.

Kulliyadda Caafimaadka ee Isbitaalka Ramathibodi waxay macluumaadka ku saabsan xanuunka Tomato Flu ku daabacdaa Facebook.

Waxay ka heshay caabuqa wiil hal sano jir ah iyo walaalkii oo 5 jir ah oo u dhashay Ingiriiska, kuwaas oo waalidkood u kaxeeyeen Hindiya si ay u soo booqdaan qaraabadooda waxayna joogeen muddo bil ah.

Laakiin toddobaad kadib markii ay ka soo laabteen Kerala bishii hore, waxaa la ogaaday inay qabaan Tomato Fulu.

Waxa gacmaha iyo lugaha uga soo baxay finan, la mid ah kuwa Tomato Flue.

Waalidiinta dhalay caruurtan ayaa warbaahinta u sheegay in ay caruurtooda ku arkeen finan iyo qandho kulul, waxaana ay sheegeen in intii ay ku sugnaayeen dalka Hindiya ay la ciyaarayeen cunug la sheegay in uu qabo cudurka.

Khubaradu waxay sheegeen in dhammaan calaamadaha laga helay caruurtaas ay muujinayaan inuu haleelay xanuunka Tomato Flue.

Hadda, saynisyahannadu waxay weli isku dayayaan inay ogaadaan sababta cudurkan keentay. Si kastaba ha ahaatee, maqaal lagu daabacay The Lancet, oo ah joornaal caafimaad oo ka soo baxa Ingiriiska, ayaa sheegaya in cudurku uusan xiriir la lahayn fayraska COVID-19 (SARS-CoV-2), xitaa haddii bukaanku ay ka muuqdaan astaamo la mid ah kuwii xanuunadaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka uu haleelo xanuunka Tomato Flue waxay isku arkaan calaamado ay ka mid yihiin finan cas cas oo u eg midabka yaanyada kuwaas oo haddii la taabto keena cuncun badan.

Calaamadaha kale ee cudurka waxaa ka mid ah daal, lallabbo, matag, shuban, qandho, iyo jir xannuun la mid ah  calaamadaha hargabka caadiga ah.

Carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano waxay halis ugu jiraan inay qaadaan infekshin sababtoo ah fayrasku wuxuu si degdeg ah ugu faafaa dadka dhexdooda, sida taabashada meelaha wasakhaysan ama saxarada dadka cudurka qaba, ama cunista cunto wasakhaysan.

Ilaa hadda, waxaa Hindiya ka jira ugu yaraan 100 kiis oo xanuunka Tomato Flue ah , kuwaas oo 82 ka mid ah ay yihiin carruur da’doodu ka yar tahay 5 jir. Dadka ugu badan ee haleelay xanuunka waxay ku sugan yihiin Kerala, waxaana xiga gobolka Tamil Nadu.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasaaradda Caafimaadka ee Hindiya ay xaqiijisay in cudurku aanu ahayn mid nafta halis gelinaya, dhakhaatiirtuna ay daweynayaan oo keliya calaamadihiisa.

Horaantii toddobaadkan wasaaraddu waxay soo saartay tilmaamo ku saabsan ka-hortagga, baaritaanka iyo dawaynta cudurka ee dhammaan gobollada.

Haddii qofka looga shakiyo inuu qabo cudurka, waxaa la karantiilayaa 5-7 maalmood ka dib marka astaamuhu soo baxaan, sidoo kale waalidiinta waxaa lagu dhiirigelinayaa inay si gaar ah u feejignaadaan iyaga oo la socda calaamadaha cudurkan ee carruurtooda.


Like it? Share with your friends!