Muxuu yahay markabka dagaal ee uu Turkiga leeyahay ee ku xirtay dekedda Israa’iil?


Spread the love
Markab dagaal oo uu turkiga leeyahay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa markii ugu horreysay muddo toban sano ka badan ku soo xirtay deked ku taalla Israa’iil, iyadoo tani ay calaamad wamaagsan u tahay xiriirkii sii xumaanayay ee labada dhinac oo dhawaanahan dib loo haajiyay.

Sarkaal u hadlay Turkiga ayaa sheegay in markabkan uu booqanayay Haifa, halkaasna uu joogi doono ilaa Talaadada, taasoo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada NATO ee badda Mediterranean-ka.

Xiriirka labada dhinac ayaa burburay sanadkii 2010 markii ciidamada Israel ay weerareen markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaasoo qeyb ka ahaa kolonyo gargaar oo Falastiiniyiinta agab u siday.

Markab ayaa isku dayay inuu jebiyo  go’doominta Israa’iil ay ku heyso marinka Gaza.

Israa’iil iyo Turkiga ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed bishii hore.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in dalkiisu uu ” bog cusub” u furayo xiriirka uu la leeyahay Ankara, kaddib markii uu magaalada Qudus kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Sida warbixinta lagu sheegay safarkaas ayaa ahaa booqashadii ugu horreysay ee wasiir Turki ah uu ku tago Israa’iil 15-kii sano ee la soo dhaafay.

Turkiga ayaa isku dayay muddooyinkii u dambeeyey inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay dalal badan oo awood ku leh Bariga Dhexe, ma aha oo kaliya Israel. Wuxuu dhawaan isku dayday inuu wax ka beddelo oo kobciyo xiriirkii uu la lahaa Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar.

Kala duwanaanshaha dhulka Falastiin iyo maqaamka magaalada Qudus ayaa muddo ahaa caqabadda hortaagan xiriirka dhow ee labada dhinac. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in xiriirka Israel uusan noqon doonin mid caadi ah oo ay waxyeello ka soo gaarto Falastiin.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ay la leeyihiin Israa’iil uu yahay mid ka baxsan arrinta Qudus.

Safiirka Falastiin ee Ankara, Fayed Mustafa, ayaa isna u sheegay wargeyska taageera Turkiga ee Sabah bishii May 23-keedii in xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil in lagu ilaaliyo xaalad caadi ah aysan ka dhignayn in la iska indho-tiray danaha Falastiin.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cavusoglu ayaa sheegay in xiriirka Turkiga iyo Israa’iil oo caadi laga dhigo ay gacan ka geysan doonto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta xaaladda ka dhex taagan.

Bishii Febaraayo, afhayeenka madaxtooyada Ibrahim Kalin iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Sadat Onal ayaa booqasho ku tagay Daanta Galbeed. Kalin ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir uu ka qaaday afaafka hore ee Masjidka Al-Aqsa.

Turkiga ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay isku dhacyadii dhawaan ka dhacay masjidka Al-Aqsa, wuxuuna ku tilmaamay arrintan mid caqabad ku ah wanaajinta xiriirka la kabkabayo.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa ka aamusay dilka weriyahii Aljazeera ee Shirin Abu Akleh.

Ma jirin wax war ah oo ka soo baxay wasaaraddiisa arrimaha dibadda, sidoo kale madaxweyne Erdogan ayaan si cad uga hadlin dilkan.

Israa’iil ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay ku jirtay dadaallo ay dib ugu soo celineysay xiriirka kala dhaxeeya waddamada Carabta, kaas oo uu gar wadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.


Like it? Share with your friends!