Muxuu yahay wadaadka ay dartiis isugu dhaceen Hindiya iyo Shiinaha?


Spread the love
Narendra Modi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa Arbacadii hambalyo dhalasho u diray wadaadka hoggaamiya diinta Tibet-ka ee dibad joogga ah, Dalai Lama.

Mr Modi ayaa boggiisa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in uu Dalai Lama ugu hambaleeyay sanad guuradiisa 87-aad.

Hoggaamiyaha Hindiya ayaa khadka telefoonka kula xiriiray wadaadkan oo uu sidoo kale u rajeeyay cimri dheer.

“Waxaan wicitaan telefoon ugu hambalyeeyay wadaadka sharafta leh, Dalai Lama, oo xusaya sanad guurada dhalashadiisa ee 87-aad. Waxaan u rajaynaynaa nolol dheer iyo caafimaad wanaagsan,” ayuu Modi kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.

Haseyeeshee, wicitaanka telefoon ee uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa si wayn uga caraysiiyay dowladda Shiinaha.

Wadaadkan ayaa dibad joog ka ah Shiinaha, waxa uuna ka mid yahay dadka dhaliila Beijing.

Muxuu Shiinaha ku yiri Hindiya?

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha oo wax laga waydiiyay arrinta ku saabsan hambalyanta wadaadka uu la hadlay Raysul Wasaare Modi ayaa sheegay in ay dowladdiisu ka carootay tallaabadaas.

“Hindiya waxay si buuxda u aqbashay hab-dhaqanka ninka gooni u goosadka ah ee kasoo horjeeda Shiinaha, Dalai Lama iyo sidoo kale arrimaha Shiinaha ku saabsan ee salka ku haya diinta Tibet,” ayuu yiri afhayeenka.

Sarkaalkan u hadlay dowladda Shiinaha ayaa intaas ku daray: “Hindiya waa inaysan faraha la gelin arrimaha gudaha ee Shiinaha iyadoo adeegsanaysa Tibet, waana inay ka fiirsato tallaabooyinka ay qaadayso.”

Hindiya ayaa jawaab ka bixisay hadalkaas

Xukuumadda Delhi ayaa dhankeeda ka jawaabtay hadalka caradu ku dheehan tahay ee kasoo baxay Shiinaha.

Waxay mas’uuliyiinta dalkaas sheegeen in Dalai Lama uu marti la sharfo ka yahay gudaha Hindiya, uuna yahay hooggaamiye diimeed si wayn loo qaddariyo oo taageerayaal badan ku leh Hindiya.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments