Muxuu Yidhi Qamuunyo


Spread the love
W/Q: Ibrahim Hawd

Muxuu yidhi Qamuunyo,
aniguna muddo xileed aan dastuuri ahayn baan korodhsanayaa sabab la’aan,
idinkana xisbiyadiinna muddo aan dastuuri ahayn baan idiin kordhinayaa sabab
la’aan? Ergadii dhexdhexaadinta Midowga Yurub baa wayddiisay “Doorashadu
sow dastuurkiinna ku ma qorna maxaad rabtaa?!” Kuye: “Weligayaba
dastuur ku ma aannu dhaqmin.” “Oo haddaa maxaad u samaysateen ee ku
falayseen?” “Wallaahay ma garanayo.”

 

Wallaahay baan ku
dhaartay ee meeshaasi waa guri qaxaabadeed. Ummad dhan iyo dawladdeedii iyo
dastuurkeedii waxaa ka muhiimsan shakhsi saqajaan ah doonistiisa saqajaannimada
ah. Yacniga isaga ayaa sida segegerka nacnaca uu intiisii cunay ka sii dabo
ooyaya. Umadda iyo dastuurkeedu wax macne ah ma laha waayo isaga ayaa nacnac
kale sii raba!

 

IBRAHIM HAWD


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments