MW Farmaajo oo la kulmay dhigiisa Ghana


Spread the love

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  kulan la qaatay  Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Gaana Nana Akufo-Addo.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo ay Madaxweyneyaashu isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Gaana.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Adis Ababa u jooga kulanka 35-aad Midowga Afrika oo ay ka qeyb galeen Hoggaamiyeyaasha Afrika.


Like it? Share with your friends!