Noocyadii Dakhli Ee Ay Qaban Jireen Maxmiyadda Somaliland


Spread the love
W/Q Ahmed Abdi A Toor

 

1908-1919

Sanadadii u dhaxeeyay
1908 -1919kii  waxay si sanadle ah u
uruurin jireen dakhli u dhaxeeya  38,000
Pound ilaa 54,000 Pound, Isha dakhli ee xiligaas ugu weynayd waxay aheyd
dhoofka xoolaha iyo hargaha / saamaha ee dalka yemen ay geyn jireen
ganacsatadii soomaliyeed, hadaba wakhtigaas waxay qaadi jireen Afartan
cashuurood:-

      1. Custom receipts_Cashuurta kastamadda

      2. Harbor dutes_ Ajuuradda Dakadda

      3. Court fees_Ajuuradda maxkamadaha

     4. Telegraphs- Ajuuradda Taarka

Miisaaniyadda xiligaas
ee maxmiyadu waxay ka kala iman jirtay boqolkiiba 35% Cashuuraha Dadban iyo
boqolkiiba 65% Kab ka yimaada khasnada guud ee boqortooyadda Ingiriiska

1921-1925

Sanadku Markuu ahaa
1920 ayaa Badhasaabkii xiligaa maamulayay maxmiyadu soo jeediyay mashruuc
waxbarasho oo ku kacaya 108,000 Pound lagana hirgelin doono degaankan
soomalidda ee maxmiyadu ka taliso kaas oo isla markiiba proposalkii u gudbiyay
khasnadii dhexe ee boqortooyadii midawga ingiriiska, Bishii March 1921 waxa soo
jawaabay khasnadii dhexe ee boqortooyadda oo sheegtay inaanay wax miisaniyadda
u haynin mashruuc waxbarasho imika isla markaasna kusoo talisay in maxmiyadu
kobciso dakhligeeda Gudaha oo ay bilowdo qaadista cashuuraha tooska ah iyo
ajuurooyinka kale ee Gudaha.

Maamulkii maxmiyadda ee
xiligaas joogay waxa uu sameeyay qorshe dakhli salbalaadhineed oo cusub ka
kooban :-

           1. Direct Taxes: Bilaabista
Cashuurta Tooska

           2. Customs duties 15%:  Korodh dhan Boqolkiiba 15% cashuurtii
kastamka

          3. Compulsory registration fee for
privately owned rifles for fee: Ajuuradda diiiwangelinta qoryaha sida gaarka ah
loo leeyahay.

          4.Poll tax – Cashuur laga qaado dadka
ajaanibka ah ee aan aheyn somalida ee ku dhaqan deegaanka soomalidda.

Qorshahan
salbalaadhineed muu noqon mid sidiisa u hirgela kaas oo ay ka hor yimid
cadaadisyo dhinaca bulshada ah gaar ahaan degaanadda burco oo culeyska u badani
kaga yimid taas oo ay si adag isku abaabuleen wadaadadii diintu.

Ka dib markuu fashilmay
qorshahaasi maxmiyadu waxay raadisay heshiisyo maalgelineed oo ay mustaqbal ka
heli karto dakhli fiicaan islamarkaasna waxay heshiis maalgelin la galeen
shirkad magaceeda la yidhaa Abyssinian corporation oo qodi doona ceelasha
shidaalka ee daga shabeel oo 30 mayl dhinaca koonfur ka xiga burco.

Nasiib xumo sanad ka
dib mashruucasi wuxuu noqday mid guul dareysta oo ay sabab u noqotay Maamul
xumo iyo musuqmaasuq baahsan taas oo maxmiyadii ka joojisay shirkadaas
heshiiskiina halkaas ku burburay, isla markaasna maxmiyadii waxay heshiis la
gashay shirkadkale oo la yidhaa Da,aray Exploration company, shirkadaas oo
markii ay qoday ceelashii ku hungowday oo ka weyday saliidi iyo shidaalkii lagu
sheegay.

1926-1930

Markay soo wada
xidhmeen dhamaan qorshayaashii iyo mashaariicdii dakhli dhalineed ayaa waxa la
xaqiiqsaday in barnaamijka kaliya ee dakhliga laga kordhin karaa uu yahay
barnaamijka horumarinta xanaanada xoolaha, sidaa daraadeed sanadku markuu ahaa
1927kii ayaa  khasnaddii boqortooyada
ingiriisku soo daysay miisaniyad 2,715 Pound oo lagu aasasayo -Department of
agriculture to Hargeisa-oo lagu horumarin doono farsamooyinka xoolo dhaqashadda
iyo naaxinta isla markaasna lagu dhisayo 1000 ceel waraab oo xoolahu ka cabaan.

Dakhliga soo xarooday
wakhtiyadii u dhexeeyay 1926 ilaa 1930:-

• 1925-26        89,057 Pound

• 1926-27       90,569 Pound

• 1927-28      159,478 Pound

• 1928-29      101,541 Pound

• 1929-30      105,304 Pound

1927-28 waa sanadka uu
ugu sareeyo dakhliga taas oo ay keentay abaaro xun oo saameeyay xoolo
dhaqatadii taas oo ku kaliftay inay iibiyaan dhamaan xoolahoogii isla markaasna
waxa kor u kacay xoolihii abaartu laysay haragoogi oo xoog u iibsamay.

Xigasho: Patrik-
International Journal of African historic studies


Like it? Share with your friends!