0

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer Ayaa xiddigaha Aston Villa ku eedeeyay in ay sabab u ahaayeen khasaarintii Bruno Fernandes ee kulankii Aston Villa ee horyaalka premier League.

Red Devils ayaa heshay fursad ay daqiiqadihii ugu dambeeyay ku bar-barayn karto kulankii ay guuldarada kala kulantay Aston Villa laakiin Bruno Fernandes ayaa khasaariyay rikoodhada isaga oo cirka mariyay.

Laadashada United ee rikoodhada ayaa dib u dhacday kadib markii xiddiaha Aston Villa isku hareereeyeen Xiddiga Man United iyada oo xitaa la arkay Goolhayaha Aston Villa ee Emiliano Martinez oo Ronaldo ku carinaya in uu laagto rikoodhada.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma doonayn in aan ka hadlo laakiin ma ahan arin sax ah in la sameeyo wixii ay sameeyeen, waxa u malaynayaa in ay u qalmeen kaadhka digniinta ah laakiin way heleen wixii ay doonayeen”.

“Sida ay isugu uruuriyeen booskii laga laadayay rikoodhada iyo Bruno ma ahayn wax aan jeclaa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *