0

Tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku adkeystay inaysan suurtogal ahayn in Cristiano Ronaldo uu ciyaaro kulan kasta ka dib markii uu xiddiga reer Portugal ka reebay kooxdii la ciyaartay West Ham ee ka hadhay Carabao Cup-ka.

Kooxda West Ham ayaa Old Trafford ku garaacday Man United kana reebay Carabao cup-ka wareegii 3-aad ee tartanka iyaga oo ka aarsaday guuldaradii kulankii premier League.

Solskjer ayaa 11 is badal ku sameeyay shaxdiisa laakiin waxa uu gabi aahaan ka reebay kulanka xiddiga wacdaraha dhigaya ee Cristiano Ronaldo kaas oo aan xitaa kaydka fadhiyin.

Markii la weydiiyay bal inay u tahay habeen wanaagsan Ronaldo in uuna ciyaarin kulanka ayuu Solskjaer yidhi”Haa, waad ogtahay, inuu yimid kooxda oo uu durba isbeddel sameeyay”.

“Laakiin dabcan waxa uu noqon doonaa xilli ciyaareed aad u dheer”.

“Waxa uu doonayaa in uu ciyaaro kulamada ugu badan laakiin uma malaynayo in ay arintaas suurtagal tahay”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadha Xisoodka Badan Mise Gabadha Geesiyada Ah? Midee Ragga Aadka U Soo Jiidata.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *