Pakistan oo mar kale ka carootay arrin la xiriirta gantaalkii Hindiya ee kusoo dhacay dalkeeda


Spread the love

Xigashada Sawirka, AAMIR QURESHI8 Saacadood ka horPakistan ayaa mar kale jawaab adag ka bixisay kiiska gantaalka Hindiya ee BrahMos ee ku soo dhacay dhulkeeda bishii Maarso ee sanadkan. Laakiin markan arrintu waxay la xiriirtaa warbixin ay warbaahintu qortay oo sheegaysa in hay’adda caalamiga ah ee tamarta nukliyeerka (IAEA) aanay dhacdadan ku tilmaamid mid walaac leh. Wargayska Indian Express ee ka soo baxa Hindiya ayaa dhawaan daabacay waraysiga Agaasimaha Guud ee IAEA. Warbixintan, ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Guud ee IAEA uu sheegay in arrinta gantaalka BrahMos ee ku soo dhacay dhulka Pakistan aysan ahayn wax walaac ah. Madaxda guud ee IAEA Raffaele Mariano Grossi ayaa u sheegay jariirada Indian Express in dhacdadan aan loo arkin mid halis ah, arintaana aan lagala hadlin dowlada Hindiya. 9-kii bishii Maarso ee sanadkan, arrin lama filaan ah ayaa ka dhacday magaalada Mian Channu ee degmada Khanewal ee dalka Pakistan, kaasoo ah  gantaalkaa BrahMos oo ah kuwa aadka u dheereeya kuna habsaday agagaarka deegaanka Khanewal.Xigashada Sawirka, PALLAVA BAGLABabar Iftikhar, oo ah agaasimaha guud ee Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Pakistan (ISPR), ayaa shir jaraa’id ku sheegay 10-kii Maarso in “shayga xawaaraha dheereeya ee ku dhacay Mian Channu ay u badan tahay inuu ahaa gantaal ka yimid dalka Hindiya. Maalintii xigtay, 11-kii Maarso, Wasaaradda Difaaca Hindiya ayaa bayaan ay soo saartay ku qiratay in “gantaalka si khalad ah loo ridey sababtoo ah waxaa lagu jiray hagaajinta cilad farsamo,” ayaa lagu yiri bayaanka. Wasaaradda Difaaca ee Hindiya ayaa sidoo kale amartay baaritaan heer sare ah.Bishii Ogoosto ee sanadkan, warbixinta baaritaanka ay amartay wasaaradda gaashaandhigga ayaa soo baxday, waxaana arrintan shaqada looga eryay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada cirka Hindiya.Pakistan oo bixisay jawaab kululHadda Pakistan waxa ay jawaab aad u kulul ka bixisay warka lagu shaaciyay warbaahinta Hindiya ee soo xigatay mas’uulka hay’adda IAEA.Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrmaha Dibadda ee Pkistan ayaa lagu sheegay in warbxintaas ay tahay “isku day ay dowladda Hindiya ku maalgelineyso warbaahinta si Hindiya looga badbaadiyo  ficilkaas taxaddar darrada ahaa ee ku saabsan arrimaha nuclear-ka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaankeeda ku sheegtay in ay qoraalka warbixinta wareysiga Agaasimaha Guud ee IAEA ay ka aragtay in la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd inuu dowladda Hindiya ka helay xog ku saabsan dhacdada gantaalka, taasoo uu uga jawaabay “maya”. Balse taas baddalkeeda laga rabay in uu sheego in hay’addiisa IAEA aysan lahayn awood ay ku farogeliso arrin noocaas ah.Pakistan ayaa si caro leh u sheegtay in aysan ahayn in hadalka Agaasimaha Guud ee IAEA loo fasiro si khaldan, dhanka kalena aysan habbooneyn in la yareeyo dhacdadaas oo laga soo qaado arrin aan weyneyn.Maxaa dhacay 9-kii March?Xigashada Sawirka, ReutersWasaaradda Gaashaandhigga ee Hindiya ayaa bayaan ay soo saartay bishii March ee sanadkan ku qiratay in gantaal dalka Pakistan 9-kii bishaas ku dhacay uu ahaa mid si khaldan loo riday oo ka yimid dhanka Hindiya, ayna durbadiiba billaabeen baaritaan heer sare ah oo la xidhiidha dhacdadaas.Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yidhi: “Gantaalka si khaldan ayaa loo riday 9-kii March, waxaana sababtay cillad farsamo oo ku timid tijaabooyinka caadiga ah.”Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay dowladda gaareen wararka ku saabsan in gantaalkaas uu ku dhacay dhulka Pakistan, “inkastoo ay dhacdadan musiibo ahaydna ay dowladda Hindiya diyaar u tahay inay ogaato khasaaraha ka dhashay.””Annagoo aad uga qoomameyneyna khaladka dhacay haddana waxaan ku faraxsan nahay in uusan jirin khasaare aad u baaxad weyn,” ayaa lagu yidhi bayaanka.Taariikhdu markii ay ahayd March 9, 2022, ayuu si lama filaan ah gantaalkaas ugu dhacay magaalada Mian Channu ee hoos tagta maamulka degmada Khanewal ee dalka Pakistan.Dadka deegaanka ayaa arkay shey xawaare aad u dheereeya ku socday oo ku dhacay dhulka, wararkii ugu horreeyay ee soo baxayna waxay sheegayeen in diyaarad khaas ah ay halkaas ku burburtay.Goor dambena, Maj. Babar Iftikhar, oo ah Agaasimaha Guud ee Waxada militeriga u qaabilsan dhinaca xiriirka dadweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta ku sharraxay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in “shey xawaare dheer ku socda” uu maalintii Arbacada ahayd uga soo dhacay dhinaca Hindiya.Gantaalka ayaa ku dhacay afaafka hore ee xero lagu tababaro booliska, isagoo halkaas ku dilay ugu yaraan labo qof.”Saacaddu markii ay ahayd 6:43 pm, March 9, Ciidamada Cirka ee Pakistan waxa ay arkeen sheg aad u ordaya oo kasoo duulay dhinaca Hindiya”, ayuu yidhi.Waxa uu sheegay in markii hore uu ku duulayay gudaha Hindiya balse uu si lama filaan ah mar qura jihadiisa ugu baddalay dhinaca Pakistan, uuna ku xad gudbay hawada Pakistan, markii dambena uu dhulka ku dhacay abaare 6:50 pm.Af hayeenka u hadlay militeriga Pakistan ma uusan magacaabin gantaalkaas, balse waxaa la aaminsan yahay in uu yahay mid loo yaqaanno “Brahmos”, sida ay qortay BBC-da laanteeda luuqadda Urdu-ga.Muxuu yahay Brahmos?
Xigashada Sawirka, Getty ImagesGantaalka loo yaqaanno BrahMos, oo militeriga Hindiya ay ugu talogaleen dagaalka, waxa uu ka mid yahay hubka sida joogtada ah loo tijaabiyo.Waxaa lagu farsameeyay iskaashi ay sameeyeen waaxda difaaca ee Hindiya iyo shirkad laga leeyahay Ruushka.Labada waddan ayaa gantaalkan sameyntiisa ku guuleystay sanadkii 1998-kii.Magaca “Brahmos” waxa uu ka kooban yahay labo eray oo laga soo gaabiyay magacyada labo webi oo mara Hindiya. Magacyada labada webi oo dhammeystiran waa Brahmaputra iyo Mosskov, waxayna kasoo qulqulaan ilaa galbeedka dalka Ruushka.Xawaaraha ugu sarreeya ee gantaalka BrahMos waxa uu gaaraa 2.8 ‘match’ (oo ah qiyaastii 3,450 km saacaddiiba, ama 2,148 oo meyl saacaddiida).Aad bay u adag tahay in gantaalkan lagu qabto qalabka difaaca hawada ee lidka gantaallada.Waxa uu sidoo kale awood u leeyahay in uu mararka qaar ka dhuunto raadaarka qabta waxyaabaha duulaya.BrahMos waxa uu hawada sare kor ugu kici karaa ilaa 15 km oo ka sarreysa dhulka. Waxa uu xambaari karaa rasaas culeyskeedu gaadhayo 200 ilaa 300 kilogram. Balse awood uma laha in uu qaado madaxyada nuclear-ka.


Like it? Share with your friends!