0

Pep Guardiola ayaa qirtay in Manchester aysan haysan ‘hub’ sida Romelu Lukaku oo kale ah waxana uu sheegay in ay maamulka kooxdiisu ogyihiin in ay la soo saxiixdaan weeraryahan cusub xagaaga dambe.

City ayaa ku fashilantay in ay la soo saxiixato badalka Sergio Aguero kadib markii ay Tottenham sii haystay xiddiga Harry Kane, Guardiola ayayna u badantahay in uu ku ciyaari doono 9 been ah.

Maanta Man City ayaa ka hor iman doona Chelsea oo ku hubaysan xiddiga Romelu Lukaku kaas oo haatanba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

“Haatan waxa aan haysanaa laba dookh, midka hore ayaa ah in aan cabano ama in aan nidhaahno, waxa aan haysanaa xiddigo cajiib”ayuu Guardiola yidhi.

“Haatan ma haysano hubka ay kooxaha kale hastaan sida chelsea, Man United iyo Tottenham, ma haysano xiddig dhalin kara 25 gool kaligiis”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *