0

Per Mertesacker ayaa aaminsan in Bukayo Saka iyo Emile Smith Rowe ay Arsenal dib ugu celin karaan Champions League kadib shan sano oo ay ka maqnaayeen tartanka.

Mertesacker, oo ah daafacii hore ee Gunners haatana ah agaasimahooda akadeemiga, ayaa ku adkeysanaya in labadan xiddig ay dhiiri gelin karaan jiilalka mustaqbalka ee kooxda sanado badan oo soo socda ka dib markii ay u soo dalaceen kooxda 1-aad.

Xiddigaha Saka iyo Smith Rowe waa laba ka mid ah xiddigaha uu Mikel Arteta ugu kalsoonyahay haatan waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Markii ugu dambaysay ee ay Arsenal u soo baxdo chamions league ayaa ahayd sanadkii 2014/2015 laakiin wixii intaas ka dambeeyay waxa ay ku fashilmeen in ay ciyaaraan tartanka ugu qiimaha weyn kubada kooxaha.

Si kastaba ha ahaatee, Mertesacker ayaa qiray in Saka oo 20 jir ah iyo Smith Rowe oo 21 jir ah ay labadooduba ‘u baahan doonaan inay dhibaatoodaan ka hor inta ayna ka ciyaarin champions league.

Mertesacker ayaa u sheegay The Mirror: “Had iyo jeer waa sheeko ka jirta Arsenal waa in ay fursad siiso xddigaha da’yarka ah, Waxaan ka codsanaynaa Bukayo iyo Emile inay nagu soo celiyaan Champions League”ayuu sii raaciyay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *