0

Mauricio Pochettino ayaa weli ah mid ka mid ah tababarayaasha ugu caansan qaaradda Yurub waxaana uu warbixin ka siiyay mustaqbalka Kylian Mbappe, isagoo soo jeediyay in xaaladda Paris Saint-Germain ay furan tahay natiijo walbana ay suurogal tahay.

Hadalkan ayaa ah mid aad uga duwan hadalkii ay sheegeen Agaasimaha iyo Milkiilaha kooxda ee Leonardo & Nasser Al-Khelaifi kuwaas oo ku adkaysanaya in uu xiddigu hesiis cusub saxiixi doono.

“Mbappe wuu fiican yahay, waa wiil deggen oo leh shaqsiyad iyo dabeecad aad u bulsho badan, wax walba way cadyihiin, waxa uu jecelyahay Kubada cagta, waxa uu qaan-gaaray isaga oo jira 22 sano”.

“Kylian ayaa qaadan doona go’aanka ay tahay inuu qaato, kooxduna waxay sameyn doontaa wax walba oo suuragal ah si ay u ceshato, maxaa yeelay waxaan ka hadlaynaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka”.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *