Qaadka Iyo Xidhiidhka Uu La Leeyahay Faaligga, Waallida Iyo Dhiigkarka


Spread the love

W/Q: Ahmed I. Hersare BSc, MSc

 

 
Qaadku – Catha edulis
–  waa geed caleen wayne ah oo ka baxa
dhul waynaha bariga Africa (Ethiopia Kenya and Somaliya) iyo koonfur-galbeed
gacanka carabta (Yemen). Dhul ahaan, waxa uu ka baxa buuralayda heer-kulka dhexe
iyo carrooyinka biyo-qabatinka leh ee qadhaadh iyo waliba gibilka huurka iyo
diirrimaadka leh. Geedkani waa dareen cariye caleentiisa la calaaliyo, la tumo
ama loo adeegsado sida caleenta shaaha oo kale, inta badan waxa adeegsada
dadyowga ku dhaqan meelaha uu ka baxo. Innaga oo si wacan uga war hayna
dhibaatooyinka kala duwan ee cunista geedkani ay baday horumarka dhaqaaleheenna
iyo siduu u dilo wakhtiga, fikirka togan, iyo dareenka rooxaaniga ahba waxa
aynu qormadan ku faaqidi doonaa caleentan Qaadka iyo waxa ay ka kooban tahay,
maaddooyinka ku jira, sida ay jidhka u saameeyaan iyo ugu danbayn xidhiidhka uu
qaadku la leeyahay xannuunada Faaliga, Dhiigkarka iyo xannuunada Dhimirka.

Caleenta Qaadku marka
ay curdinka tahay waxa ku jira isku-dhisyo kiimiko ah oo tiro badan oo aynu ka
xusi karno Cathinone iyo Cathine – waana labada ugu muhiimsan ee saamaynta
balaadhan ku leh habsami u shaqaynta habdhisyada dareen-wadka iyo
dhiig-wareegga jidhka Aadamaha –

Cathinone ayaa ah
maaddada sida xoogga ah u saamaysa ee carisa habdhiska dareen-wadka iyo
wadnaha, 48 saacooc ka dib waxa ay isku badashaa Cathine oo iyadu ah mid
liidata waana sababta Qaadka loola cararo ama biyaha iyo jawaannada loogu
qooyo.

Cathinone waxa ay
leedahay saamayn aad ugu dhaw ama la odhan karo waa la mid saamaynta ay
leeyihiin Hoormoonada iyo dheecaanada dabiiciga ah ee heeganka ee ay soo dayaan
qanjidhada maskaxda iyo kalyuhu marka ay yimaadaan xaaladaha dagdaga ah iyo
colaaduhu. 

Sida caadiga ah, jidhka
Aadamaha waxa uu Alle wayne siiyay adeeg xaasaasi ah oo lagaga gudbo  xaaladaha dagdag ah  marka uu qofku la kulmo wax argagax leh ama
uu ciyaarayo, jimicsanayo, orodayo iyo marka uu dagaalamayo, waxa maskaxda iyo
kalyaha dushooda laga soo daayaa dheecaanno isbadal dhakhso ah ku sameeya habsami
u shaqaynta dhammaan habdhisyada jidhka, waxa kordha garaaca wadnaha iyo
cadaadiska dhiigga, maskaxda ayaa amaro heegan iyo feejignaan ah u kala dirta
dhammaan nudaha ay khusayso ka fal-celinta argagaxa iyo colaaduhu, sanbabada
ayaa kordhiya neefsiga, muruqyada ayaa lagu furaa dhiig badan oo nafaqaysan,
beerka ayaa isaguna qayb wayn ka qaata is badalkan dagdaga ah isaga oo
burburinaya sonkoraha ku dhex kaydsan gudihiisa si loo kiciyo xaraarada guud ee
jidhka,, dubka sare ee maqaarka waxa ka kacda saan adag oo rabadh ah,
jidhidhico iyo xaadda oo istaagta sidii aad Mas ku istaagay, sida oo kale bu’da
isha ayaa balaadhata si loo xoojiya awoodda aragga, xiniinyaha ragga ayaa
iyaguna kor uga baxa kiishka ay ku jiraan. Dhinac kale, waxa hakad la galiyaa
dhammaan hawlaha aan muhiimka ahayn ista xaaladdan heeganku jirto sida
dheefshiidka iyo kaadi saarka. Rubuc saac haddii uu jidhku xaaladdan ku jiro
waxa uu adeegsanayaa boqol jeer laab tamarta uu adeegsan karo laba iyo toban
saac oo xidhiidh ah.

Haddaba akhriste,
maaddadan Cathinone ee ku jirta caleenta qaadku marka ay ku milanto dhareerka
ee ay nuugaan xididdada dhiiga ee camanku waxa ay jidhka ka kicisaa xaalad
daganaan ah, waxa ay geysaa xaalad heegan iyo colaad ah oo la mid ah taas aan
kasoo sheekeeyay iyada oo aanu jidhku la kulmin wax dhib ah, bal qiyaas!! qofka
maalin kasta dhawr iyo toban saacadood oo xidhiidh ah jidhkiisu uu ku jidho
xaaladaas adag, tamar intee leeg ayuu gubayaa jidhkiisu? Seexan kari maayo
qofku oo jidhkiisuba colaad iyo dagaal ayuu ku jiraa, fikirka maskaxduna aad
ayuu u shaqaynayaa, waxa intaas dheer cunto u hunguroon maayo oo sidii aan hore
u sheegay xilliyada heeganka waa la hakiyaa hawlaha aan xilligaas muhiimka ahyn
sida dheefshiidka. Muddo ka dib ay jidhkiisa ka baxdo kiimakada Cathinone
hurdo, daal iyo burbur maadaama uu heegan iyo dagaal uu ku jiray saacado badan
oo xidhiidh ah, waxa uu ka baaqanayaa ama uu kari waayayaa in uu ku foofo
hawlihiisa maalinlaha ah

Sida aynu ka war qabno,
bulshadeenna gaar ahaan ragga waxa aad ugu soo badanaya xannuunada Faaligga,
Dhiigkarka iyo kuwa Dhimirka. Marka laga tago dabeecadda cunto ee qofka,
xannuunadani waxa ay xidhiidh la taaban karo la leeyihiin cunista Qaadka,
diraasaadka qaarkood waxa ay tilmaamaan in 65% xannuunadaas aynu sheegnay ay sababaan
adeegsiga maandooriyeyaasha Qaadku ugu horeeyo.

Kor u kaca joogtoda ah
ee garaaca wadnahu waxa ay curyaaminaysaa hab-sami u shaqayntii wadnaha,
cadaadiska dhiigga ee sare waxa uu hoosta ka jeexayaa oo uu ka jafayaa
halbowleyaasha dhiigga, waxa samaysmi kara xinjiro gufayn doona xididdada
dhiigga ee dhuudhuuban, waxa xidhmi kara halbowleyaasha dhiigga geeya maskaxda
iyo wadnaha. Taas ayaa ah ta qofka ka dhigaysa in uu saacad walba halis ugu
jiro in maskaxda dhiig kaga firmo ama wadnuhu istaago.

              Ahmed I. Hersare BSc, MSc

                      Senior lecturer at UoH


Like it? Share with your friends!