Qarax haleelay gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah Duleedka Magaalada Beledweyne


Spread the love

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax haleelay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ka dhacay duleedka magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Dadka saarnaa Gaariga ayaa ku sii jeeday deegaanka Afar irdoodka oo xalay dagaalameyal ka tirsan Al-shabaab ku dileen dad rayid ah, isla markaasna ku gubeen ilaa todoba gaari oo ay saarnaayeen la socdeen dad shacab ah.

Ugu yaraan hal ruux oo kamid ah rakaabkii saarna gaariga ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka uu dhaawacmay darawalkii Gaariga.

Tani ayaa sii kodhineysa khasaaraha dilal xalay ilaa maanta ka dhacay Gobolka Hiiraan.


Like it? Share with your friends!