0

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo hor marta iskuulka Mucaasir
Qoraalka sawirka,

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo hor marta iskuulka Mucaasir

Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax saaka ka dhacay wadada u dhaxaysa Tarabuunka iyo Number 4, sida laga xigtay saraakiil ka tirsan kuwa gadiidka gurmadka.

Qaraxa ayaa burbur baahsan gaarsiiyay iskuulka Mucaasir oo ku yaalla halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana sawiraddu ay muujinayaan gawaarida iskuulka oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxa.

Qoraalka sawirka,

Mucaasir

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna sheegeen inay beegsadeen kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan tababarayaal ah oo ka soo baxay xerada Janaraal Gordon.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaaro nooc SURF ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kordhisay qaraxyada iyo weerarrada ismiidaaminta ah ee ay ku beegsanayaan Muqdisho, xilka dalka ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *