Qof Garanaya Halka Uu U Socdo


Spread the love
(Fariinta Urur Siyaasadeedka HALGAN)

Halgan waa urur ka
duwan ururada oo u furan in uu noqdo Xisbi la wada leeyahay. Wuxu kuu soo
bandhigayaa:

– Fikir cusub oo ka
duwan fikirkii hore ee lagu assaasi jiray ururada ay ka soo bixi jireen
Xisbiyada Qaranku

– Aragti cusub oo ku
wajahan dhismaha qaran madaxbanaan oo ku suntan dawlad wanaag

– Jiil cusub oo ah
siyaasiyiin uu dhiigooda ku talaalan yahay dumuux wadaniyadeed dhexdoodana ay
ka soo bixi karaan kuwo leh hogaamin (talents of leadership)

– Wejiyo cusub oo
bedela wajiyadii hore ee lagu bartay siyaasadda beenta iyo khiyaamada ama gebi
ahaanba laga guuro dugsi fikradeedkii gaboobay ee siyaasadda beenta iyo
khiyaamada

Intaasiba waa
sababaha ka dambeeya assaaska urur siyaasadeedka HALGAN ee ku wajahan wax ka
bedelka xisbiyada siyaasadda mustaqbalka ee jiilka sadexaad iyo ka dib.

Maalintii daahfurka
urur siyaasadeedka HALGAN waxan idhi “anigu urur maan furan ee urur baan
furay”. Hadii shakhsi ahaan dan yar oo gaar ahi ka wadan lahaa waxan odhan
lahaa ” urur baan furtay”.

Dadku isbedelka hore
uguma dhiiradaan waayo waa wax ku cusub dadkuna waa u nacab wixii ku cusub ee
jaahil ay ka yihiin. Sidaa daraadeed isbedelku wuxu u baahan yahay samir
aniguna ma ihi qof degdegsan oo wax gaar ahi ka maqan yahay.

Ku darsoo isbedelku
wuu cadawyo badan yahay waayo wuxu ka hor imanayaa dano badan oo gaar ah iyo
dad awood leh oo ku macaashay nidaam ku dhisan dulmi iyo caddaalad darro oo
kugu soo fasaxa dacawyadooda oo kaa daba ciya ilayn iyagu kuuma soo basheedhi
karaan eh.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments