Qof Illaahay Qaawiyey Beeni Dhar Maw Xidhaa? ( Abdi-Shotaly).


Spread the love
N.B Intaan doonidda wadaayo, Waxaan Doonana Helaayo, daruuraha aan Dul Seexdo.

  Horaa loo yidhi ” Onkodaw
dhac , oo xeeshaa dhac’e” Xaajadda loo tegay Maraykan waa Ganacsi qudha oo
aan wax kale lahayn iyo xaqu-qalin loo doontay, haddii aanay sidaasi jirin, oo
aan xaalku ganacsi ahayn, maxaa loo gaxaystay, Dahaba-shiil, Ina Aw siciid iyo
Madaxddii Sometel, Telesom iyo qaar kaloo badan. ma kuwaas baa Ictiraaf
keenaaya, oo Maraykan u tegay? bal waxan isugu sheekaynayno eega, mise Ganacsi
baa loo tafa xaytay? ka Jawaab su’aashaa af-janjeedha lahayde, ka u doodaayaw
Askarigan khawalka ah ee aan lagu soo dhawaan, tani af-keedda bay kala haysan
waydaye, runta ha isu sheegto, hana isugu timaado, la isu dhuuman iyo
ila-meerayso, oo wax waliba banaanka bay yaalaan, Ma is qarin karaa ” Qof
Illaahay Qaawiyey Oo Beeni Dhar Maw Xidhaa?” Waa maya, Askartii  ” Xaafad-Tooyadu” Iyaka oo mudug ah
hadda ” Alaahu-maala Beeg” bay rabaan in ay ceeryaan inoo dhex
qaadaan, waa su’aal kale’e taasi, wax ka soconaya ma tahay?   wuxu ku heesay  Asakrigu ” Intaan doonidda wadaayo, waxaan
doonana helaayo, daruuraha aan dul seexdo. maxaa iga doonaysaan-ba, danays-taye
yeelka-diina?”

 

Ciiro isku qarin iyo kolba shaadh kaloo la xidhaa, salaan aan niyad
ahayn, beeni iyo af-gobaadsi, cuqdad iyo colaad beello gaar ah oo milil-keeddii
caloosha jiifto, waali iyo cariigsi, gobaladda bari iyo Awdal oo cadaw laga
dhigtay, kolba derbi isku qaad, meel loo baryo tegay iyo ganacsi qoys, oo aan
xaqiiq-dda laga sheegin, abaaraha dalka ka taagan iyo biyo la’aanta dad iyo
xoola-ba dhamaadeen, ummadda bakhtigu u xalaal yahay, maciishadda cirka isku
shareetay, shidaalka faraha ka baxay, isku dirka beelaha, Gobol-ba-Gobol la
nacsiiyey, cashuurta muwaadi-niinta oo in gaar ah jeeb-koodda ku dhacdda, oo
iyadda oo ay xundhurta ka xoanayaan inta askariga ku xeerani iyo qoys-kiisu
misna la dafiro, ku wiirsiga badheedhka ah ee dan-yarta, hadana uu leeyahay
” Ma Jirto Abaari” Intaas oo dhan oo is daba joogta, baa hadana
goboladdii Askariga 100 riig laga qoday, oo iyadda oo la og-yahay, uu jaahilka
caaqilka ka ah Guriggii Moorgan uu is leeyahay wax baa kuu qarsoon, waase
maskaxdii ” Raggii ma adigaa ka hadhay” Iyo Inta xaaraanta ummadda
laga dhacay uu cad-quudheedka uga sii tuuro. wuxu u sheegaa Qoys-kiisa  ( Somalia) baa Mucaraidku inagu waddda,
hadana uu hoosta isagu kala shaqaysto, af-kana uu kaga badhaaciyaa wax-ba kama
jiraan waxa la iga sheegaayo, Arima-haas sare ku qoran iyo malaayiin kale oo
aan la soo koobi karin, isaga oo hawlo ganacsi u doontay oo la og-yahay, Ma
lagu qarin karaa Ictiraaf baan ka keenayaa Maraykanka. Halkay-se Gaadhsiin
Askariga Xaafad-Tooyadda ka shimbiro-waaqleeyaa, Kadaabka munaafaqa ahi, ee aan
diin iyo illaah mid-na aan lahayn ee waalani.

 

 Iyadda oo aan ka wadda war qabno,
xaalka ummadu waxa uu ku sugan yahay, baa hanti-dooddii lagu dal-xiis tegay,
bal qiyaasa inta ku baxaysa safarkaas Gancasi ee loo baxay, ma ka go’daa ummadda
silcaysa in cashuur-toodda lagu daawasho tago iyo kibir ku baabi’in. Saw maaha
markaas micnaha meesha ku jiraa murtiddii ahayd ” Ma Dan Baan Ka Leeyahay
Riyah Danabku Laynaayo” Maxaa ka galay askariga wixii dhimanaaya, ilayn
Qoys-kiisa iyo Gobol-kiisu way dherga-yaane, cid kale-na naf umma hayaan, inta
uu hor kacaayo ” Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani”
maalin-ba wax baa lagu maaweeliyaa, oo lagu wareeriyaa Ummadanmasaakiinta ahe,
maantana dad iyo xoolo xabaasha qarqarka u saaran, intooddii badnayd-na uba
dhimatay, biyo dhaamis, caws la’aan, oo dooxa Hargeysa macaluusha iyo gaajo
darteed lala jiifo, baa $8.000.000 oo doolar lagu soo tumasho tegay, markaas
baa weliba qaar u dooda-yaan, Eygan ka mansuulka ah ee waxaas ku kacay iyo
maamulka uu walaaqanaayo.

 

 Waxan ku soo xidhay qoraalkan,
qaar meela-haas ( Qaybta fekredaha Hadha-wanaag) wax ku soo malma-luuqa, oo
difaaca waxaas ka dhacaaya dalka, cabudhinta war-baahinta, dadka la iska
xidh-xidhaayo, sidda wiil yar oo majaajilo sameeyey, gabdh buraan-burtay,
fanaanad heestay oo lacagtii laga jarayo, Bal waa yaabe kuwa difaacayaa, waxay
ugu hadlayaan askarigan kala xidhan ma wax kalaa, saw maaha isku  ” Xaafad iyo Reer Hebel Baanu Isku
Nahay” Iyaba waa yaabe iyaka oo noocaas ah oo cidna aanay ka qarsoonayn
ujeedadda ay abu-kaataha ugu yihiin, bay weliba qof kale ku sheegayaan
Qabyaalad buu wadda, oo ay ay ku dedayaan qaran baanu doonaynaa, iyada oo
haba-yaraatee aanay meela ka jirin cadaalad, sinaani, Xoriyatul-qawl, wax wadda
lahaanso, ee ay qoyska Askarigu ( Heego) keligoo ku raaxays-taan hantiddii ay
ummadan ka boobeen.

* N.B Intaan doonidda wadaayo, Waxaan Doonana Helaayo, daruuraha aan Dul
Seexdo. Maxaa iga doonaysaan-ba, Danays-taye, yeelka-diina?

Qore:- Abdi-Shotaly.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments