0

Shlomo Ben Yaakov waxa uu doonayaa in uu noqdo waddaadkii ugu horeeyay oo Yuhuudi Nigerian ah

Xigashada Sawirka, Irums

Qoraalka sawirka,

Shlomo Ben Yaakov waxa uu doonayaa in uu noqdo waddaadkii ugu horeeyay oo Yuhuudi Nigerian ah

Isagoo kursiga ku dangiigsan kuna sugan macbad ku yaalla caasimadda Nigeria ee Abuja, ayaa Shlomo Ben Yaakov wuxuu Akhrinayaa kitaabka Torah ama Toowreedka.

Wuxuu hadba sare u qaadayaa codkiisa isagoo ku akhrinaya afka Hebrew kaddibna waxaa la hoorinaya dhowr kale.

Intooda badan si buuxda uma fahansana luqadda, balse qowmiyaddan yar ee Nigeria u dhashay ayaa waxay sheeganayaan in boqollaal sano ka hor ay ka soo jeedeen Yahuudda – isla markaana ay jahwareer ka qaadeen in Israa’iil aysan aqoonsan.

“Waxaan isku arkaa inaan Yahuud ahay,” ayuu yiri Yaakov.

Bannaanka Macbadka Gihon ee deegaanka Jikwoyi waxaa yaalla miis gudaha teendho ka dhisan alwaax, waxaana loo dabaal degayaa Sukkot, oo ah xaflad lagu xuso sanadaha ay Yahuuddu ku jireen duurka iyagoo ku sii socday dhulkii loo ballan qaaday.

“Si la mid ah sida aan halkan ka sameyneyno, ayay ka sameynayaan Israa’iil,” ayuu yiri Yaakov, iyadoo dadku ay wadaagayaan rootiga cholla (oo lagu dubay Macbadka) iyo khamri ku jira koobab yar yar.

Wuxuu ka soo jeedaa qowmiyadda Igbo – oo ka mid ah qowmiyadaha ugu badan dalkaas kana soo jeeda koofur-bari Nigeria. Magaciisa dhaqanka Igbo waxaa ninkani loogu yeeraa Nnaemezuo Maduako.

Qoraalka sawirka,

Si ka duwan waaliddiintooda, inta badan dadka Nigeria ee Yahuudda ah ma aysan aqoon diin kale

Dad badan oo Igbo ah ayaa aaminsan inay asal u leeyihiin Yahuudda ayna ka mid yihiin 10-ka qabaa’il ee la sheegay inay ka lumeen Israa’iil, inkastoo badankood aysan ku dhaqmin sida Yaakov. Kuwa ku dhaqma waa in ka yar 0.1% ka yihiin 35-ta milyan ee qowmiyadda Igbo ay ka kooban tahay.

Qabaa’illadan ayaa la sheegay inay lumeen kaddib markii la afduubtay xilligii boqortooyada Israa’iil la qabsaday Qarnigii 8-aad Dhalashadii Ciise ka hor – iyo qowmiyadda Yahuudda ee Itoobiyaanka ah, tusaale ahaan, waxaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah qabaa’illadaas.

Caadooyinka Igbo sida in wiilasha la gudo, in loo baroor diiqo qofka dhintay muddo toddoba maalmood ah, in loo dabaal dego bisha dhalatay iyo qaar kale ayaa xoojinaya sheegashadooda ah inay farax u leeyihiin Yahuudda.

‘Wax caddeyn ah lama hayo’

Balse Chidi Ugwu, oo ah Igbo wax ka dhiga Jaamacadda Nigeria ee Enugu, ayaa sheegay in sheegashada Yahuudnimada ay keliya so ifbaxday keliya kaddib dagaalkii sokeeye ee Biafra.

Dadka Igbo ayaa u dagaallamayay inay ka go’aan Nigeria, balse way ku guul darreysteen kaddib dagaal ba’an oo dhacay intii u dhaxeysay 1967-1970.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Qaarkood ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in dadka Igbo ay farac u leeyihiin Yahuudda kaddib markii looga adkaaday dagaalka oo ay ku dhinteen in ka badan hal milyan oo qof

Dadku “waxay raadinayeen dhiirrigelin maskaxeed” marka waxay bilaabeen inay sameeyaan xiriirka Yahuudda, ayuu yiri.

Waxay isku arkeen inay yihiin dad si xun loola dhaqmay, si la mid ah sida inta badan Yahuuddu ay soo mareen, gaar ahaanna kii Yahuudda lagu xasuuqay.

“Waa aflagaaddo in dadka Igbo lagu sheego qowmiyad cid ka luntay, ma jirto taariikh taas caddeyneysa,” ayuu BBC-da u sheegay.

Wuxuu ku doodayaa in sida ay caddeymuhu muujinayaan ay Igbo ku jiraan dadka ka soo qaxay Masar dhowr kun oo sano kahor, lagana yaabo in Yahuuddu ay yihiin kuwa qaatay dhaqanka Igbo markii ay halkaas tageen.

Qoraalka sawirka,

Barukh Ben Avraham wuxuu akhrinayaa Kitaabka Toowreed

Dhowr sano kahor waxaa la sheegay in la sameeyay dadaallo baaritaan balse baaritaanka hiddo-sidaha ma uusan caddeyn wax xiriir ah oo kala dhaxeeya Yahuudda.

Rabbi Eliezer Simcha Weisz, oo ah guddoomiyaha waaxda arrimaha dibadda ee Golaha Rabbinate ee Israa’iil – oo ah waaxda go’aan ka gaarta sheegashooyinka Yahuudnimada, ayaa sidoo kale shaki muujinaya.

“Waxay sheegayaan inay ka mid yihiin Jaad, mid ka mid ah wiilashii aabbayaasheen Yacquub – balse ma caddeyn karaan in awowoyaashood ay Yahuud yihiin,” ayuu u sheegay BBC-da.

“Caadooyinka ay ku dhaqmaanna, waxaad dhammaan adduunka ku arkeysaa dad heysta dhaqanka Yahuudda.”

Yaakov ayaa fakraddaas u arka inay tahay aflagaaddo.

Kacdoonka ka bixintaanka

Dadka xubnaha ka ah Macbadka Gihon si dhab ah ayay ugu dhaqmaan waxa ay rumeysan yihiin – iyaga iyo qowmiyadda oo lagu qiyaasay 12,000 oo Nigeria ku nool ee Yahuudda ah – ayaa waxaa taageersan kooxo kale oo Yahuud ah oo dunida daafaheeda ku nool, kuwaas oo deeqo siiya una ololeeya aqoonsigooda.

Qoraalka sawirka,

Qiyaastii 12,000 oo Nigeria ku nool ayaa isku arka inay Yahuud yihiin

Macbadka Gihon, ayaa la sheegaa inuu yahay kan ugu weyn ee ku yaalla Nigeria, waxaana sanadihii 1980-meeyadii aasaasay Ovadai Avichai iyo labo kale oo Kirishtaan ahaa asalkoodii hore.

Saaxiibbadan ayaa go’aansaday inay qaataan diinta Yuhuudda markii ay ogaadeen in kitaabka Masiixiyiinta ee Bible-ku uu yahay aasaaska diinta Yahuudda.

Wuxuu sheegay in Yahuudnimada ku jirta ay soo labo kacleysay – marka uu isku eegay isu ekaanshaha caadooyinka Yahuudda iyo dhaqamada Igbo uu ku qancay in Yahuudnimadu ay tahay waddada saxda ah.

Qoraalka sawirka,

Yahuud badan oo Nigeria ka soo jeeda ayaa Yahuudnimada Nnamdi Kanu u arka mid siyaasadeed

Macbadka Gihon ee Abuja waxaa haatan ku sugan kooxo qowmiyado kala duwan ka soo jeeda waxaana ka mid ah 40 qoys oo joogto u taga.

Sanadihii la soo dhaafay tirada Yahuudda ee koofurta Nigeria ayaa korortay, sida uu sheegayo Chiagozie Nwonwu, oo BBC-da ka tirsan khabiirna ku ah gobolka.

Dadkani waxaa hoggaamiye u ah Nnamdi Kanu, oo dadkiisa xusuusiya faracooda Yahuudda kuna dhiirri geliya inay diintooda ku dhaqmaan. Hoggaamiyahan dhiirran ayaa mar la sawiray isagoo ku cibaadeysanaya Western Wall oo ku yaalla Qudus.

Balse dadka taabacsan looma aqoonsana Yahuud dhab ah, maaddaama qaar ay isku qasaan Kirishtaannimada iyo Yahuudnimada.

Hoggaamiye Kanu haatan wuuxu ku jiraa xarun lagu hayo isagoo loo heysto eedeymo khiyaano ah iyo kacdoon hubeysan , iyada oo kooxdiisa gebi ahaanba laga mamnuucay dalka Nigeria.

“Markii ugu horreysay ee ay Ipob soo caan baxday, waxaan ku ooyay Macbadka. Waxaan iri: ‘Wiilkan yar ayaa u yimid inuu dhibaato naga dhex abuuro sababtuna ay tahay in waxa uu sameynayo ay yihiin wax aan loo baahneyn,'” ayuu yiri Avichai, oo ah dagaal yahan khabiir ku ah dagaalkii Biafra.

Wuxuu ka baqayaa in holwhaha dhaqdhaqaaqa Ipob ay qalqal gelinayaan nabadda cibaadeysiga qowmiyadaha Yahuudda.

Qoraalka sawirka,

Qariiradda Nigeria

Tani waxay dhacday sanadkan markii hoggaamiyaha qowmiyadda Yahuudda ee koofur-bari ku sugan xabsi la dhigay muddo bil ah kaddib markii kooxdeeda ay la kulmeen dad ka socda Israa’iil.

Waxay u imaadeen inay muuqaal ka duubaan deeqda ay ku bixiyeen kitaabka Toowreedka – oo mar walba iibsashadiisa ay qaali ku tahay dadka deegaanka, balse waxaa looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Ipob waana la musaafuriyay.

Mid ka mid ah dadka ku cibaadeysta Gihon ayaa sheegay in Kanu uu saameyn ku leeyahay go’aankiisa ku biiridda Macbadka – balse kacdoonkii dhowaan ee Ipob ay wax ka beddeshay.

Yaakov muhiim uma aha siyaasadda la xiriira Yahuudnimada, ee waxaa u muhiimsan aaminsanaanta.

In Israa’iil ay ka helaan aqoonsi dhab ah waxay qowmiyaddan Igbo ee Yahuudda ah u sahleysaa inay gudaha dalkaasi Nigeria ka noqdaan kuwo abaabulan.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *