Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya


Spread the love

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.

Kulanka labadda masuul oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee Xeyndaabka Xalane, ayaa looga hadlay xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta.

Waxa kale oo Ra’iisul wasaaraha XFS uu la wadaagay Safiirka Mareykanka in ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka, iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Safiirka Mareykanka ayaa dhigiisa ubalan qaaday Ra’iisul wasaaraha XFS in ay dowladda Mareykanka garab istaag u muujin doonto doowlada cusub ee Soomaaliya iyo xukuumaddisa ayna kala shaqeeyn doonto sugidda amniga iyo waxkaqabashada abaaraha kajiraha Soomaaliya.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments