Ra’iisul wasaare Xamse oo QM ka la hadlay gurmadka Abaaraha


Spread the love

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeo

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Horumarka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay Arrimaha Abaaraha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada Qaramada Midoobey ee caawinta dadka ay saameysay Abaarta.


Like it? Share with your friends!