0

PSG ayaa shaaca ka qaaday in xiddigooda Messi uusan ciyaari karin kulanka Montpellier sababa la xariira dhaawac uu ka sheeganayo

Kulankaas Montpellier ee axadda ayaa ka tirsan wareegga 8-aad ee horyaalka France

Messi ayaa dhaawac jilibka ah waxa uu ku gaaray kulankii Lyon waxa uuna sidoo kale seegay kulankii arbcada ee FC Metz xilligaas oo PSG ku badiyeen 2/1

Qoraal ka soo baxay PSG ayaa lagu sheegay in laacibka lagu sameynayo baaritaan dheeraad ah maalinta axada sida loo ogaado waxa iska badalay dhaawacaas

Dhanka kale Marco Verratti ayaa la xaqiijiyay in tababarka guud ee kooxda uu ku soo laabtay halka Ramos weli jimicsi gaar ah uu sameeyo


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *