Raysal wasaare ciidammadii ilaalineysay ku soo kordhiyay eey


Spread the love
Raysal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi

Xigashada Sawirka, Reuters

Ciidamada Ilaalada gaarka ah ee Raysal Wasaaraha Hindiya ayaa go’aansaday in ciidamada ilaalada lagu soo daro Eey tababaran.

Eeyda noocan ah waxyaabaha lagu doortay waxaa ka mid ah iney yihiin kuwo aad u firfircoon oo ku noolaan karo xaaladaha adag rooti qamadi laga sameeyey oo keli ahna ku noolaan kara.

Sida Eeyda kale ee la midka ah oo ilaalada loogu talo galay cunno badan uma baahno marka lagu jiro xaaladaha adag.

Xigashada Sawirka, VENKAYYA NAVALGI

Waxa ay uga duwan yihiin Eeyda kale

Eeyga ilaalada raysal wasaare Narendra Modi ka mid noqonaya waa Eey dheer oo caata ah wax hilib ah oo badanna aan laheyn.

Muuqaal ahaanna waxay u egyihiin noocyada Eeyda ee lagu ugaarsado oo boggoodu yar yahay joog ahaanna aadka u dheer.

Lugahiisuna waa ay dhaadheer yihiin, dhagahiisuna waa ay yar yihiin oo gadaal ayey u jeedaan.

Dhererkooduna wuxuu gaarayaa 72 cm halka miisaankiisana uu gaarayo 20 ilaa iyo 22 kiilo.

Waxayna awood u leeyihiin muddo yar iney ku gooyaan masaafa gaareysa ilaa iyo hal km iyo bootin aad u dheer.

“Eeyda noocan ah ee ilaalada loogu talogalay waxay awood u leeyihiin maalinti oo dhan si aan nasasho laheyn inay u socdaan, waxaana dabeecadda ay Eeyda kale kaga duwan yihiin ka mid ah in hal qof ay la saaxibaan oo ay dhib ku tahay dad kala duduwan iney la saaxibaan,” ayuu yiri Barafasoor Sushant Handge oo BBC Hindi u warramay.

Xigashada Sawirka, VENKAYYA NAVALGI

Eeydan asalkooda halka ay ka yimaaddeen?

Eeydan markii ugu horreysay waxay dalka Hindiya soo gaareen ama lagu arkay inti u dhaxeysay 1884-1937.

Waxaana Eeydan ugaarsiga u isticmaali jiray beelaha Maluji Rao. Kaddib markii laga yaabay firfircoonidooda iyo howsha ay qabanayaan waxay dadku billaabeen iney howlaha ilaalada ay u adeegsadaan.

Sanadkii hore xafiiska diiwaan geliya duurjoogta gaarka uu u leeyahay dalka Hindiya ayaa eeydan noocyadooda waxay siiyeen shahaado ay ugu aqoonsadeen inuu yahay nooc gaar ah oo laga helo dalka Hindiya.

Xigashada Sawirka, VENKAYYA NAVALGI

Eeygan marka la howl geliyo wuxuu yeelan doonaa xuquuq la mid ah kuwa ay leeyihiin ilaalada Raysal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Booliskuna waxay sheegeen Eeydan oo awood u leh urta iney wax ku gartaan oo dambi baarista loo adeegsaday 7-8-ddii sano ee la soo dhaafay waxay soo saareen in ka badan 5,000 oo kiilo oo maandooriya ah.

Waxaana tababarro heer sare ah eeydaasi lagu siiyaa xaruunta Eeyda lagu xannaanneeyo oo u dhow  Bangalore.


Like it? Share with your friends!