Raysul wasaaraha UK maxay la tahay inuu sameyn lahaa haddii uu Putin dumar ahaan lahaa


Spread the love
Boris Johnson iyo Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Raysul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku andacooday in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan qaadi lahayd duullaanka Ukraine haddii uu haweeney ahaan lahaa.

Raysul wasaare Johnson ayaa sheegay in duullaankaas “waallida ah” uu yahay “tusaalaha saxda ah ee ragganimada sunta ah”. Wuxuu ku taliyay in haweenka lagu badiyo u dhiibista xilalka sare.

Hadalka raysul wasaaraha ayaa imaanaya ka hor kulanka Gaashaanbuurta Nato ee looga wada hadli doono sidii looga jawaabi lahaa halisaha mustaqbalka.

Shir-madaxeedka dalalka ku bahoobay Nato oo ka dhacaya magaalada Madrid ee Spain, ayaa lagu wadaa inuu Boris Johnson u jeediyo xubnaha kale ee Gaashaanbuurta in kordhiyo dhaqaalaha difaaca.

Kharashka difaaca ee UK ayaa la saadaalinayaa inuu sanadkan gaaro 2.3% GDP – oo ah cabbir muhiim ah oo lagu qiyaaso dakhliga sanadlaha ah ee waddan – taas oo ka dhalatay maalgashiga warshadaha difaaca iyo sida ay dowladdu sheegtay 1.3 bilyan oo gini oo loogu talagalay taageerada militariga Ukraine.

Dhowr waddan oo kale oo ka tirsan Gaashaanbuurta ayaan gaarin 2% bar-tilmaameedkii sanadlaha ahaa ee Nato.

Xoghayaha Gaashaandhigga Ingiriiska, Ben Wallace ayaa shalay ku booriyay Johnson inuu sii kordhiyo kharashka ku baxa ciidamada UK, iyadoo la eegayo khatarta Ruushka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Boris Johnson ayaa hadalka ku saabsan Putin ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Jarmalka ee ZDF, kaddib shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka qaniga ah ee loo yaqaan G7 ee ka dhacay Bavaria, Mr Johnson.

Mar uu ka hadlayay sinnaanta dheddigga iyo laboodka iyo muhiimadda ay waxbarashadu leedahay, ayuu yiri, “Waxaad u baahan tahay haween badan oo xilal haya.”

“Haddii Putin uu haweeney ahaan lahaa, taas oo uu iska cad yahay in uusan ahayn, laakiin haddii uu ahaan lahaa, uma maleynayo inuu billaabi lahaa dagaal waalli ah iyo duullaan awood muujis ah iyo rabshad,” ayuu yiri Johnson.

“Haddii aad rabto tusaale fiican oo ah ragannimada sunta ah, waa waxa uu ka samaynayo Ukraine.”

Boris Johnson ayaa sidoo kale sheegay in iyadoo hoggaamiyeyaasha G7 ay “si quus ah” u doonayaan in la soo afjaro dagaalka Ukraine, haddana in hadda uusan jirin “wax heshiis ah”.

Raysul wasaare Johnson wuxuu sheegay in Reer Galbeedku ay ku qasban yihiin in ay taageeraan istaraatiijiyadda milatari ee Ukraine, si madaxweyne Volodymr Zelensky ay ugu suurtagasho inuu gaaro “mawqifka ugu wanaagsan ee suurtagalka ah” ee wadaxaajoodka Ruushka “marka ugu dambeyn ay wadahadalladu yimaadaan”.

Kulanka Nato ee Madrid ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Turkiga uu heshiis la gaaray dalalka Finland iyo Sweden, taasoo meesha ka saartay caqabaddii ugu dambeysay ee ku gadaanneyd inay ku biiraan Gaashaanbuurta Nato.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments