Raysul wasaarihii hore ee Japan oo fagaare lagu toogtay


Spread the love
Shinzo Abe

Xigashada Sawirka, Reuters

Raysul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa isbitaal loola cararay kaddib markii lagu toogtay munaasabad ka dhacday magaalada Nara ee galbeedka Japan.

Shinzo Abe ayaa la toogtay labo jeer, iyadoo xabbada labaad ay uga dhacday dhabarka, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco. Wararka ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay la xiray.

Duqii hore ee Tokyo, Yoichi Masuzoe ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Abe oo 67 ah uu soo gaaray dhaawac culus.

Ninka la rumeysan yahay inuu toogtay mas’uulka waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga, faah-faahin bandanna lagama hayo xaaladda Abe, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha xukuumadda dalka Japan Hirokazu Matsuno

“Sabab kasta ha ahaatee, falkan waxuushnimada ah marna looma dulqaadan karo, si adagna waan u cambaaraynaynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay. 

Goobjoogeyaal ayaa arkay nin ku hubaysan qori weyn

Muuqaallo ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaasoo aan la xaqiijin karin, waxayna muujinayaan shaqaalaha caafimaadka oo ku hareeraysan Shinzo Abe bartamaha meel waddo ah, iyadoo markaas kadibna loola cararay isbitaalka.

Abe ayaa markii uu weerarku dhacay waxa uu khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacaysay magaalada Nara – goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay arkeen nin ay tilmaameen inuu qori weyn gadaal ka soo ridayay.

Rasaastii ugu horreysay ayaa u muuqatay inay seegtay laakiin xabbada labaad waxay uga dhacday dhabarka. Isla markiiba waxa uu ku dhacay dhulka isaga oo uu dhiig ka qubanayo. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo aan isku dayin inuu baxsado.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Telefishin maxalli ah oo lagu magacaabo NHK ayaa sheegay in Abe uu “miyir qabay oo uu jawaabayay marka wax la waydiiyo, hase yeshee wararka qaar ayaa sheegaya inuu miyir daboolmay .

Wararku waxay intaa ku darayaan in qoriga uu adeegsaday ninka loo malaynayo inuu weerarka gaystay uu yahay qor gacan ku sameys ah.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in qofka weerarka geystay la rumaysan yahay in uu hore uga tirsanaan jiray ciidamada Japan ee difaaca badda.

Su’aasha ugu horraysa ee dad badan ay isweydiinayaan ayaa ah qori noocee ah ayaa loo adeegsaday weerarkan? Sideese ninka gaystay toogashada uu ku helay qorigan?

Jawaabtu waxay u muuqataa in laga yaabo inuu isagu sameystay. Sawirro laga soo qaaday markii tuhmanaha la soo qabanayay ayaa muujinaya wax u eg qori la farsameeyay.

Rabshadaha hubku aad ayay ugu yar yihiin Japan, hubkuna aad bay u adag tahay in la haysto. Sidoo kale, waxaa aad loo xakameeyay rabshadaha dhanka siyaasadda.

Shinzo Abe wuxuu watay koox boolis ah oo ammaankiisa sugaysa, Laakiin waxa ay u muuqataa in qofka toogashada geystay uu weli awooday inuu dhowr mitir u jirsado isagoo aan wax xannibaad ah kala kulmin ilaalada Abe.

Toogashada ninkan caanka ah horeyna u soo noqday raysul wasaaraha ayaa aad looga naxay gudaha Japan.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments