0

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay u aqoonsatay xiddiga Leicester City ee Caglar Soyuncu bartilmaameedka suuqa kala iibsiga waxana ay qorshaynaysaa in ay u dhaqaaqdo daafaca dhexe xagaaga dambe.

Los Blancos ayaa qaab xor ah ula soo saxiixatay xiddiga David Alaba suuqii xagaaga laakiin waxa kooxda ka tagay xiddigaha Sergio Ramos iyo Raphael Varane.

Carlo Ancelotti ayaa la filayaa in uu u dhaqaaqo daafaca dhexe xagaaga 2022 sida laga soo xigtay Defensa Central, daafaca Leicester City ee Soyuncu ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in ay Los Blancos muddo dheer la socotay xaalada xiddiga 25 jirka ah waxana ay haatan diyaarinaysaa dalab Rasmi ah oo ay 38 milyan oo euro ugu dhaqaaqi doonto xiddiga.

Heshiiska Soyuncu ee Leicester City ayaa dhici doona xagaaga 2023 taas oo la macno ah in ayna Leicester City haysan awood xoogan oo ay ku sii haysato xiddiga reer Turkey.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *