0

Sanadihii ugu dambeeyay ilaa haatan Real Madrid ayaa siyaasadeeda suuqa u badashay in ay keento xiddigaha da’yarka ah ee soo baxaya iyaga oo raadnaya xiddigo da’yar ah oo soo bandhiga qaab ciyaareed fiican.

Siyaasadaas ayaa u muuqata mid ku shaqaysay xiddiga Vinicius Junior marka loo eego qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan iyada oo haatan lagu naanaysayo Neymar-ka cusub.

Xiddiga Vinicius Junior jira kaliya 21 sano waxana uu Real Madrid 3 sano ka hor waxana ay muddo ku qaadatay in uu la qabsado kooxda iyada oo su’aalo badan laga keenay lacagtii ay Real Madrid ka soo bixisay xiddiga.

Laakiin samirkii Real Madrid ayaa haatan u muuqta mid midho dhalinaysa iyada oo uu xiddiga reer Brazil soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.

Marka laga yimaado goolasha uu dhalinayo waxa ka badan saamaynta kale ee uu ku leeyahay marka uu soo galo ciyaarta isaga oo isla markiiba muujinaya waliba wax ka badalaya ciyaarta.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *