0

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa ku adkeystay inuusan u baahneyn inuu isku muujiyo dal kale iyadoo la isla dhexmarayo ku biiritaanka Premier League.

Mustaqbalka xiddiga reer Poland ee kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa su’aal la geliyay dhawaanahan, iyadoo heshiiskiisa Bavaria uu dhacayo 2023.

Lewandowski ayaa lala xiriirinayay kooxaha Liverpool, Manchester City iyo Real Madrid, laakiin 33 jirkaan ayaa haatan hoos u dhigay ka hadalka ka bixitaanka Bayern Munich.

Isaga oo la hadlaya warbaahinta kadib markii uu gudoomay abaalmarinta kabta dahabka ah ee yurub ayuu yidhi”Ma ahan inaan isku caddeeyo horyaal kale”.

“Waxaan la tartami karaa kan ugu fiican horyaalada kale ee Champions League, boqolkiiba boqol waxaan diirada saarayaa Bayern Munich, kama fekerayo wax kale oo aan ka ahayn kooxdayda, weli waan joogaa halkaan – waxaana halkaan joogi doonaa muddo dheer”.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *