0

Tababaraha Xulka qaranka Belguim ee Roberto Martinez ayaa ku adkeysanaya wararka la xiriirinaya shaqada Barcelona inay yihiin warar xan ah kadib markii Ronald Koeman uu diiday inuu ka jawaabo su’aalaha shir jaraa’id Arbacadii.

Kooxda reer Catalan ayaa si niyad jab leh ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ka dib markii xagaagii la soo dhaafay ku fashilmeen in ay si fiican u xoojiyaan kooxda isla markaas waayeen xiddiga Lionel Messi.

Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay Bayern Munich champions League todobaadkii hore ka hor inta ayna bar-baro 1/1 ah la galin kooxda Granada.

Tababare Koeman ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka kooxda xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Barcelona lana sheegayo in shaqada laga caydhin karo.

Tababaraha Xulka qaranka Belguim ee Roberto Martinez Ayaa hogaaminaya Liiska tababarayaasha lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona.

Roberto Martinez oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Anigu ma jiraan wax aan sheego”ayuu u sheegay Eurosport.

“Kaliya sida iska cad waa warar xan ah, mar walba way jirayaan kubada cagta waana arin iska caadi ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadha Xisoodka Badan Mise Gabadha Geesiyada Ah? Midee Ragga Aadka U Soo Jiidata.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *