Lukaku ayaanan qarin rabitaankiisa ah inuu dib ugu laabto horyaalka Serie A, ka dib hal xilli ciyaareed liita oo uu lasoo qaatay Chelsea, isagoo dhaliyay kaliya 15 gool 44 kulan oo uu u saftay.
Xagaagii hore ayuu Romelu Lukaku Kooxda reer England ee Chelsae ugusoo wareegay heshiis qiimihiisu yahay 98.5 milyan oo ginni.
Milkiilaha cusub ee Chelsea Todd Boehly ayaa ku qancay bixitaanka Lukaku marka uu arkay sida ay uga go’an tahay inuu ku laabto kooxda Inter.
Sida laga soo xigtay wargeyska La Gazzetta dello Sport, waxay qaadatay saddex saacadood oo wadahadal ah in la isku afgarto heshiiska uu Lukaku dib ugugu laabanayo kooxda Inter.
Milkiilaha Inter, Steven Zhang ayaa ugu dambeyntii ogolaaday heshiish amaah ah oo qiimihiisu yahay 6 milyan oo ginni iyo £1.7m oo gunooyin ah inay kulasoo wareegaan laacibkan.