0

Ruud Gullit ayaa magacaabay xiddiga u qalma ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or sanadkan isaga oo iska indha tiray xiddigaha Cristiano Ronaldo & Lionel Messi.

Gullit ayaa sheegay in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka sanadkan.

Xiddiga chelsea ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadihii ugu dambeyay hadii ay tahay xulka qarankiisa France oo uu kula guulaystay koobka adduunka iyo chelsea oo uu kula guulaystay premier League iyo champions League.

Ruud Gullit ayaa Kante bar-bar dhigay Halyeeyga reer Italy ee Franco Baresi waxana uu sheegay in uu u baahanyahay in la aqoonsado tayada xiddiga reer France.

“Waxa uu la mid yahay Baresi oo aan abaalmarinta ku guulaysan inkasta oo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay”ayuu u sheegay saxaafada.

“Kuwa goolal dhaliya ama weerara ayaa hela dareen dheeraad ah”.

“Waxa fiican in ay dareen gaar ah helaan xiddigaha aan dhalin goolasha sida Kante, kaas oo u qalma ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka”.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *