RW Rooble oo la kulmay wefdi ka socday Dowladda UK


Spread the love

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka horgagga macluusha iyo arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Xukumadda uu kamid yahay Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Soomaaliya, waxaa looga hadlay xaaladda Abaarta ka taagan Soomaaliya iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka la il daran.

Ergeyga ayaa Ra’iisul wasaaraha u ballan qaaday in ay awoodooda ka qeyb qaadan doonaan gurmadka iyo sidii wax looga qaban lahaa dadka ay saameysay Abaarta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dowladda Ingiriiska uga Mahadceliyay taageerada ay laa garab taagan tahay Soomaaliya.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments