Saameynta Hirdanka Quwadaha Aduunku Ku Leeyahay Geeska Africa .


Spread the love
W/Q: Mohamed Abdi Jama

Maanta aduunkii waxa
uu marayaa in uu kala saftay oo laga yaabo in ay yimaadaan quwado is caabiyayaa
, Madaxweynaha maraykanka ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya dalal reer yurub ah oo
dalbaday in ay Nato ku biiraan ; Ma jirto maanta maalin looga baahi badan yahay
xulafada Nato.

 

Macnaheedu waxa uu u
muuqdaa diyaar garow iyo dagaalo dhex mara Russia iyo intii la aragti noqota
iyo Isbahaysiga Nato , waxaana laga joogaa burburkii Warsaw 32 sanadood oo gaw
ah .

 

Dalka Russia ayaa
dhaqaale ahaan iyo awood ahaan ba u muuqda mid is hubsaday waxaana aduunku u
arkaan dagaalka Ukraine in uu yahay dhoolatus iyo tusaale uu u dirayo aduunka
kale gaar ahaan Nato.

 

Xiligani waxa aduunka
ka jira quwado kale oo cudud ah oo dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba ah qaar
dabarka soo goostay oo uu ka mid yahay dalka China oo ku jira isbalaadhin lagu
qabsanayo ama kasbanayo dalalka kale ee aduunka.

 

GEESKA AFRICA IYO
HIRDANKA QUWADAHA ADUUNKA.

 

Geeska Africa oo
dhaca dhinaca bari ee qaarada Africa waxa uu ku yaallaa mid ka mid ah goobaha
aduunka ugu istarajisan , waxaana wejahadihiisu kulaalayaan badweynta Hindiya
iyo Badda Cas .

 

Waxa ku yaalla
marinka biyoodka badacas oo ay maalintii ka gudbaan ganacsiyo gaadhaya
trillions dollars oo ku socda Europe ta galbeed iyo Maraykanka oo ka taga
Jasiirada carabta , Iran, Turkey iyo bariga fog sida Taiwan, Japan, China,
Indonesia, Singapore, India iwm.

 

Geeska Africa waxa uu
isku xidhaa Qaaradaha Asia iyo Africa gaar ahaan wadamada hodanka ah ee carbeed
oo aduunku dano badan ka leeyahay iyo qaarada cagaaran ee 54 dawladood ka
kooban oo ah suuqa aduunka ugu weyn isla markaana ah quwado iyo xoog soo muuqda
oo aduunku kala hororsanayo kasbashadooda.

 

Waxa intani dheer waa
gobol kheyraadkiisu dihin yahay oo leh saliido caydhiin ( shidaal ), macdanaha
kala duwan , Gaasta dabiiciga ah , Dhul dihin oo ku wanaagsan wax beerista ,
xoolo iwm oo intaasiba uu aduunku baahi weyn u qabo xiligani .

 

DALALKA ILAA HADA KU
TARTAMAYA GEESKA AFRICA & HALISTA LAGA CABSI QABO.

 

Wadamada hirdankoogu
tooska u muuqdo waxaa ka mid ah China oo dalalka Geeska Africa intooda badan
maalgashi weyn ku sameeyey oo qaarna ku leh saldhigyo ciidan , Russia oo
gobolkani u jooga hab ciidan oo dalalka gobolka qaar ka mid ah ciidamadooda
gacabta ku haya sidoo kale saldhigyo waaweyn ku leh qaarada Africa oo ilaa 29
dal siyaabo kala duwan uga hawl gala.

 

Iyo Dalka Maraykanka
oo gobolkani ku leh mid ka mid ah saldhigyadiisa ciidamada ee qaarada Africa
ugu waaweyn , sidoo kale Badda cas ku sugnaa ilaa laga soo bilaabo dagaalkii
Kuwait iyo Iraq ee 1990skii isla markaana saldhigyo waaweyn oo ciidan ku leh wadamada
carabta qaar ka mid ah .

 

GOOBAHA LAGU
TARTAMAYO AMA AY DALALKANI RABAAN IN AY KA HELAAN MEELO AY DEGAAN.

 

Dalalka Geeska Africa
ee ay ku loolamayaan waxa ugu horeysa Jamhuuriyada Somaliland oo uu dalka
maraykanku u arko meesha ugu muhiimsan ee uu danihiisa mustaqbalka ka ilaashan
karo xili werwer weyni uu ka jiro is-balaadhinta China ee Geeska Africa oo laga
yaabo in ay Jamhuuriyada Somaliland soo gaadho.

 

Sidoo kale dalka
Russia ayaa dhawr goor ay yimaadeen Jamhuuriyada Somaliland safiiradiisa Djibouti
iyo Addis-Ababa 16 sanadood ee ugu dambeeyay kuwaasi oo la sheegay in ay
danaynayaan in ay yimaadaan Berbera ama Zeila si ay saldhig ciidamada ah oo ay
kuwa badu ka mid yihiin uga helaan.

 

China oo in badan
Jamhuuriyada Somaliland ku soo noq-noqday ayaa ka soo horjeeda heshiiska
Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan oo uu rabo in uu Somaliland maalgashado
hadii ay Taiwan xidhiidhka u jarto , arinkaasi ayey Jamhuuriyada Somaliland ku
gacan saydhay oo ay diiday in shuruudaha China ku imanayo Somaliland in ay Taiwan
saaristeedu ka mid noqoto.

 

Waxaa ay u eeg tahay
in Jamhuuriyada Somaliland ay tahay dhuunta iyo bogcada ugu muhiimsan gobolka
Geeska Africa , waxaana mashaariic 1 bilyan oo dollar ku dhow ka fulinaya
wadanka UAE oo u arka in jamhuuriyada Somaliland tahay albaabka Africa laga
gelayo , waxaana maalgalintaasi ka mid ah kuwa lagu maalgaliyey Dekedda
Berbera, wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale, Airport ka Berbera.

 

HALISTA LAGA BAQANAYO
IN AY WAXYEELO WEYNI GOBOLKA GEESKA AFRICA KA SOO GAADHO.

 

Gobolkani Geeska
Africa waxa ku yaalla ilaa 11 koob iyo toban saldhigyo ciidamada wadamada aduunka kale ah oo dhereran dalalka
Muqdisho ilaa Assab ( Erateria) oo dhamaantood u jooga dano siyaasadeed,
dhaqaale iyo ciidan oo iskuwada lid ah.

 

Arinkaasi ayaa ku ah
dadka gobolkani ku nool mustaqbalkooga bar madaw iyo wax cabsi ku abuuraya
dagaal u joog ah xili dawladaha gobolkani iyo da’yartoodu u baahnaayeen rajo
abuur , maalgashi iyo mustaqbal wanaagsan cidii wax ku soo kordhinaysa.

 

Sidoo kale dalalka ku
yaalla gobolkani ayaa leh dano siyaasadeed oo kala wada duwan marka uu
dalwaliba dantiisa raacdo ayaa waxa iska hor imanaya danaha ( conflict of
interest) xili ay taagnaayeen colaado iyo dagaalo u dhexeeya wadamada qaar sida
Djibouti iyo Erateria oo kale , Somaliland iyo Somalia oo kale iwm.

 

Isku soo wada xoori
saameynta hirdanka quwadaha aduunka ee gobolkani waxa ay u eeg tahay mid
horumar iyo maalgashi keeni karta , sidoo kale soo dedejin karta dagaalo hor
leh iyo colaado wadamada gobolka ah oo ay sabab u yihiin dalalka shisheeye.

 

Mohamed
Abdi Jama

Mohamed
Dhimbiil

[email protected]


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments