Saddex qaab oo hubka nukliyeerka uu qeyb uga noqon karo dagaalka Ukraine


Spread the love
Nuclear

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khubaro ka socota Qaramada Midoobay ayaa billowday kormeerka warshadda tamarta nukliyeerka ee Ukraine, oo ay gacanta ku hayaan Ruushka, kaddib dhowr bilood oo laga deyrinayay xaaladda.

Xilli uu xafiiska madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, soo gudbinayo digniino aad u culus oo ku saabsan khatarta nukliyeerka ee ka dhalan karta dagaalka kasii socda warshadda ugu weyn Yurub ee tamarta nucliyeerka, waxaan eegeynaa halista nukliyeerka ee ka dhalan karta dagaalka.

1 – Shucaac kasoo baxa warshadda

Warshadda Tamarta nukliyeerka ee Ukraine ee Zaporizhzhia, oo ah mid aan hub soo saarin, waxay leedahay lix qeybood oo soo saara tamarta kaddibna si taxaddar leh u bixiya wasaqda haraadiga ah.

Qaabka loo sameeyay qeybahan waa mid loogu talogalay in aysan khatar ka dhalan, waxayna aad uga khatar yar yihiin kuwii ay lahayd warshaddii Chernobyl ee qaraxday sanadkii 1986-kii.

Balse waxa ay u baahan yihiin in si joogto ah loo qaboojiyo, taasoo ka dhigan in mar walba aysan ka go’in korontada.

Haddii korontada ay ka maqnaato muddo, ama qeybta wasakhda shucaaca keydisa uu dhaawac gaaro, waxaa markaas ka dhalanaya halis weyn oo ah in shucaacu uu bannaanka usoo baxo islamarkiina raaco hawada ay dadku neefsadaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hadda waxaa goobtaas marta dabeyl dhinaca waqooyiga aadda, maalinta Jimcadana u jiheysata dhinaca waqooyiga-bari. Haddii uu shucaaca soo baxo, dabeyshaas waxay suntan u qaadeysaa meelo badan oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo magaalo xeebeedka Odesa.

2 – Gantaal nukliyeer ah oo waxyeelladiisa la xaddiday

Sharciga u yaalla militeriga Ruushka waxa uu oggolaanayaa in xilli hore la adeegsado gantaallada nucliyeerka ee loogu talagalay goobaha dagaalka, kuwaasoo ah hubka loo yaqaanno “tactical” oo culeyskiisa lagu koobayo 15 kilotons, kuna filan inuu burburiyo meel la eg garoon kubbadda cagta lagu ciyaaro iyo meel kasta oo jirta labo meyl oo hawadiisu ay gaareyso.

Waqti xaadirkan ma jiraan calaamado muujinaya in Ruushka uu adeegsan doono hubkaas, balse haddii dagaalku uu ku xumaado Moscow lama garan karo waxa uu amarki doono Madaxweyne Putin.

3 – Bambooyinka nukliyeerka ee caadiga ah

Kani waa hubka nukliyeerka ee aan waxba reebin, marka bambooyinkiisa la tuurana burburiya magaalooyin dhan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa hubka wax gumaada ee uu Putin mar walba jecel yahay in uu dunida xasuusiyo inuu gacantiisa ku hayo mar kasta adeegsan karo.

Mareykanka, Britain iyo Faransiiska ayaa wada heysta hubka kaas la midka ah, sidaas awgeedna ma jirto cid adeegsatay tan iyo 1945-kii.

Ukraine waxa ay dhammaan bambooyinkii nukliyeerka ee ay heysatay xilligii Midowga Soviet u celisay Ruushka sanadihii 1990-meeyadii. Dadka qaar waxay sheegaan in tallaabadaas ay ahayd khalad ay Ukraine sameysay.


Like it? Share with your friends!