Safarkii guurka sababay. Qaybtii 4aad.


Spread the love
Wiilkaygii iyo hooyo waxay qabaan rajo ah innaan

Waxaan go’aansaday innaan raadsado nolol ka farxad badan middaan imika ku noolahay. Oo aan gebi ahaanba ka fogaado deegaankaan ku dhashay, kusoo koray, misena aan ku dhaqmay.

Laakiinse ka hor intaanan ka tagin deegaanka waxaan damcay innaan iska furo ninka, oo aan ku sameeyo farsamo kasta oo aan ku kala tegi karno, si aan uga madax-banaanaado. Nasiib wanaag muddo kooban ka dib wey ii suurto gashay, oo waanu kala tagnay. Aniguna waxaan u wareegay gurigii hooyo. Laakiinse hooyo mar kasta waxay igu qabsan jirtay sababtaan u bur-buriyay qoyskayga iyo innaan nolol qurux badan iska khasaariyay. Waan dhagaysan jiray, waxaanan si ixtiraam leh ugu sheegi jiray innay qasab igu ahayd go’aankaasi, laakiinse imay dhagaysan jirin.

Runtii wuxuu ahaa go‘aan adag, laakiinse waan ku qasbanaa. Markii aannu kala tagnay ka dib waxaan wajahay dabeecad ka duwan midii aan hooyaday ku ogaa. 

Hadal, dhago hadal iyo canaan aan kala joogsi lahayn ayaan wehel la noqday. Qorshayhaygii koowaad ee aan ku kala tagaynay odaygayga waan ku guulaystay, oo kaliya waxa ii dhinaa innaan ka fogaado halkan aan ku noolahay, bal si aan mar uun nolol farxad leh ku noolaado.

Goor subax ah hooyo oo guriga ka maqan ayaan go‘aansaday innaan soo goosto ticket-kii aan ku baxayay. Waan soo goostay. Waxaanan qorshaystay safar dheer, oo aannan garanayn meesha iyo cida aan u socdo.

Isla maanta oo bixitaankaygu ku beegnaana waan soo baxay, oo hooyo waxaan u sheegay innaan suuqa kasoo addeeganayo, oo aan duhurka soo laaban doono. 

Sidii ayay igu soo fasaxday, oo waxay moodaysaa innaan suuqa ku maqanahay, laakiinse waxaan ku jiraa safar aannan garanayn meesha uu ku dhamaan doono. Laakiinse mar kasta illaahay waxaan ka rajaynayaa innaan nasiib iyo nolol wanaagsan la kulmo insha allah.

Imika waanigan baska kula saaran, oo waxaan kasoo tagay dadkaygii anigoon garanayn meeshaan u socdo iyo cid iga horaysa toona. Waad dareemi kartaa qofka xaalkaas ku sugani cabsida, baqashada iyo war-warka uu dareemayo. Taasina waa sababtaan u soo iloobay lacag yar oo aan kaydsan jiray.

Wiilkaygii iyo hooyo waxay qabaan rajo ah innaan u soo laaban doono, laakiinse ma oga meeshaan u socdo iyo go’aankaan qaatay. Ma ogi waxay dareemi doonaan markay ogaadaan go’aankayga iyo innaan ka fogaaday. Laakiinse waxaanu kulmi doonaa maalin ka wanaagsan maanta insha allah.

Haddii aad is weydiinayso halkee ayay u socotaa ama safarkeedu ku eeg yahay gabadhan, waxaan u socdaa meel kasta oo aan nafis iyo nabad ku dareemayo, oo waxaan rabaa….


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments